Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tacadiyada haweenka loo geysto oo looga hadlay kulan lagu qabtay Caabudwaaq

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 19, 2015
in Wararka
0
Tacadiyada haweenka loo geysto oo looga hadlay kulan lagu qabtay Caabudwaaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan looga hadlayay tacadiyada iyo dhibaaatada lagu hayo dumarka ee xaqooda lagu duudsiyo ayaa lagu qabtay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Ururka Difaacayaasha Xaquuqda Dumarka oo soo qaban qaabiyay kulanka ayaa soo bandhigay tacadiyo kala duwan oo ay sheegeen in lagula kacay dumarka oo ay diiwaangeliyeen, waxaana kala qayb galay kulankaasi xubno ka socday maamulka degmada Caabudwaaq iyo wakiilo ka kala socday hay’adaha kala duwan ee ka howlgala degmada iyo qaybaha bulshada Caabudwaaq ku nool.

Related posts

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025

Ka qeyb galayaasha kulanka ayaa ka dooday sida looga hortagi karo tacadiyada ka dhanka ah dumarka, isla markaana loo soo saari lahaa sharciyo lagu xakumayo dadka dhibaatooyinka u geysta dumarka, waxaana ugu dambeyn la isku afgartay in si wada jir ah wax looga qabto arrimaha ka dhanka ah haweenka.

Ugu dambeyntii ayaa shirka waxaa kaloo la isku raacay in dumarka laga qeyb geliyo hanaanka siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan tan Maamulka iyo horumarka degmada Caabudwaaq ka socda.

Waa markii ugu horaysay oo la qabto kulan looga hadlayo xuquuqda dumarka iyo tacadiga ay la kulmaan, laguna qabto degmada Caabudwaaq.

Previous Post

Juventus oo Sii Kordhisay dhibcaha ay Ku Hogaamineyso Horyaalka Talyaaniga

Next Post

Dr C/qaadir oo ka hadlay xanuunada Afka, baaqna u jeediyay bulshada Soomaaliyeed

Next Post
Dr C/qaadir oo ka hadlay xanuunada Afka, baaqna u jeediyay bulshada Soomaaliyeed

Dr C/qaadir oo ka hadlay xanuunada Afka, baaqna u jeediyay bulshada Soomaaliyeed

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
0

Diyaaraddii Air India ee ku burburtay 12-kii June 2025 magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya, ayaa noqday mid si weyn u...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In