Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dr. Ibraahim Maxamed Mursal “Saxafiyiinta, waxaa dalka iyo Dadka ka saran Waajib, ha noqdaano kuwa Tusaale wanaagsan u ah Bulshadda”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dr.Ibrahim maxamed Mursan oo ah Qofkii ugu horeeyay ee Darajada PHD ka diyariya Saxafada Soomaaliya ayaa Isniintii waxaa uu Muxaadaro ku saabsan Xaaladaha Warbaahinta Soomaaliya waxa uu u jeediyay Saxafiyiin iyo Ardayda Kuliysada Saxaafada iyo Siyaasada ee Jaamacada Muqdisho, oo uu ka yahay Gudoomiye ku xigeenka dhanka maamulka, iyo barre ka mida Kuliyda Saxaafada iyo Siyaasada.

Munaasabada oo ay soo Qabanqaabisay Kuliyada Culuumta Siyaasada iyo Saxaafada Jaamacada Muqdisho, ayaa waxaa ka qeyb galay Macalimiinta Kuliyadda, Hormuudka Kuliyada, Ardayda Ku taqasusaysa Saxaafada iyo Siyaasada, iyo kuwa Horay uga Qalin jabiyay Kuliyada qaarkood ayaa, waxaa ay ku saabsanayd Xaalada Saxaafada Soomaaliya iyada oo Dr. Ibrahim maxamed Mursal “Ibraahim Dheere”, uu si fiican u sharaxay heerarka kala duwan o ay soo martay Saxaafada Soomaaliya, oo kala ahaa ilaa Afar Marxaladood oo mid kastaahiba si xaalad gaar ah ku sugnayd.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

“Afarta Xili ay soo kala martay saxaafada Soomaaliya ayaa kala ah, Xiligii Gumaystaha oo Saxaafda wagaa jirtay ahayd mi laba nuuc ah, mid uu Gyumaystahu leeyahy, iyo mid Xurnimo doon ah taas oo cadaadisyo kala duwan la kulmaysay. Xiliga Labaad xiligii Xukumada Madaniga, oo ay soo baxeen Waraysyo kala duwan oo ku qornaa Afafka Talyaaniga Carabiga iyo Ingiriiska, Marxalada Sadexaad Xiligii xukunka Milataria, kaas oo inta badan Siyaasad ahan Saxaafadu mid nidaamka kali taliska ah sida uu ahaa kala mid ahayd, hase ahaatee Saxafiyiinta iyo Warbixnada waxa ay ahaayeen kuwa kala mida Warbahinta Caalamka dhanka tayada, xataa qalabka la isticmaalayay waxaa u ahaa mid Casrio ah Xiligaa oo dalal badan oo Dunida ah aan kaga Horaynay.

“Marxalada Afaraad Waa Xiligii Burburka, oo ahaa markiiDalku uu noqaday mamul la`aan iyo Fowdo , Xiligaas waxaa soo butacay Wargaysyo Tira badna oo ah kuwaas oo aan sharciyada saxaafda waafaqsanayn u Tabinaya Warbixinada” ayuu yiri Dr Ibraahim Maxamed Mursal”
Dr.ka ayaa sheegay in isaga uu ra`yi ahana qabo in ay shan qeybood tahay heerarka Saxaafadu soo martay oo wixii ka danbeeyay 2006 dalka isbadalo kala duwan ay ka dhaceen, isbadaladaassi oo saameeyay warbaahinta ha ahadaano kuwa Siyaasadeed, dhaqaale milatarai, isbadaladaasi ayaa keenay in ay saxaafadu badalanto dhaqan iyo fikirkii ahaanba.

Dhanka kale Hormuudka Kuliyada Culuumta Siyaasada iyo Saxaafada ee Jaamacada Muqdisho Dr.Xuseen Sheikh Abuubakar oo isna goobta ka jeediyay hadalo kooban ayaa ka hadaly muhiimada warbaahinta wuxuuna sheegay in Saxafigu yahay daaci macalin hogaamiye loogana baahan yahay Tusaalayn Wanaasan, warbaahintuna Bulshada u tahay Miyaaradii Xaqiiqada, umad kastaahina sida ay warbaahinteedu tahay ayeey taarikhdeeda kaydsamaysa noqonaysaaa.

Dr. Xuseen waxuu sheegay in Jaamacadda ka sokoow ardadya ay waxbaraan in Bulshada ka saran tahay masuuliyad ayna u gudbinayaan Macluumaad, iyaga oo warbaahinta iyo Saxafiyiinta ka caawin doonaan dhanka Aoonta Culumta Saxaafada iyo tababarada.

Uu danbayntii Dr.ka soo diyaariyay Muxaadaradaan oo ah Ibraahim Maxamed Mursal ayaa Saxafiyiinta iyo warbaahinta kula dardaarmay in ay bulshada u noqdaan Tusaale wanaagsan, ayna ogsoonaadaan in Dalka uu ka saran yahay waajib, una adeegsadaan Qalinkooda dhanka wax dhisisa iyo Horumarka.

ibrahim DHERE

SUDI IBRAHIM DHERE iyo CAMIDKA

Previous Post

Sheekh Nuur Baaruud” Waa Musiibo in dadka la dilo iyagoo ku dhawaaqaya Magaca Ilaah

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka oo Xarigga ka jaray Waaxda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka oo Xarigga ka jaray Waaxda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka oo Xarigga ka jaray Waaxda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid "SAWIRRO"

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In