Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dunida oo looga dabaal degayo maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Dunida oo looga dabaal degayo maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta oo kale waxaa Caalamka laga xusaa maalinta Afka hooyo, waxaana bishii Nofeembar sanadkii 1999-kii shir ay qabatay hey”adda waxbarashada u qaabilsan qaramada midoobay ee UNESCO la isku raacay in wixii ka dambeeyay 2000 sanad kasta la qabto xuska maalinta Afka Hooyo.

Afka Soomaaligu waxa uu ka mid yahay luuqadaha looga hadlo qaaradda Afrika, inkastoo Farta Soomaaliga la qoray sanadkii 1972-dii, haddana waxaa jiray xoriyadda ka hor dad badan oo aqoon u lahaa luuqadaha Faransiiska,Ingiriiska ,Carabiga iyo Talyaaniga, isla markaana gacan ka geystay soo ifbixii iyo hindisihi lagu qoray Afka Hooyo.

Related posts

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026

1-di July sanadkii 1961-dii, Dowladdii Rayidka ee uu hoggaaminaayey alaha u naxariistee Madaxweyne Aadan C/lle Cismaan waxaa la sameeyay mac-had iyo qorayaal Soomaliyeed oo ka baaraan dega habka loo heli karo qoraalka Far Somaaliyeed oo qoran, hasa yeeshee, isku daygaasi waxa uu noqday mid la isku fahmi waayay ka dib markii la isku qabtay nidaamka xuruufta ee farta Laatiinka iyo Carabiga.

Sanadkii 1971 waxaa Dowladdii Kacaanka ee talada dalka Soomaaliya la wareegtay 1969-kii ay ku guuleystay magacaabidda Guddi ka soo tala bixiya habka loo qorayo Afka hooyo.

Sannadkii xigay 1972-dii Dowladdii Kacaanka waxa ay ku dhawaaqday go’aan ah in farta Laatiinka loo isticmaalo qoraalka farta Soomaaliga, iyadoo  isbeddel yar lagu sameeynaayo nidaamka erayada,gaar ahaan xarfaha shaqalada iyo shibanayaasha.

Bishii Jannaayo 21-keedii 1973dii,waa markii ugu horreysay ee uu dalka Soomaalia ka soo baxo wargeys ku qoran Afka Soomaaliga, isla markaana Manhajka waxbarasho oo ku qoran af Soomaali laga hirgaliyay Dugsiyada Dalka, kolkii Guddi Aqoonyahanno ah oo ka socda Wasaaradda Waxbarashada iyo Gudigii qorista Afka Soomaaliga ay diyaariyeen nidaamka naxwaha Afka Hooyo.

Iminka Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasha ah  xuska sanadkaan waxaa uu ku soo aaday iyada oo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku guuleystay qeybinta manhajka waxbarashada dugsiga hoose iyo dhexe oo si isku mid looga dhigi doono iskuulada dalka oo markii hore manaahij kala duwan wax ku barayay ardayda

Waxaa qoray C/qaadir Fantastik

Previous Post

Wasiir Goodax “waxaan xoojinaynaa dadaalka horumarinta Afka hooyo”

Next Post

Xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle oo kulan la qaatay bulshada degmada Warsheekh.

Next Post
Xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle oo kulan la qaatay bulshada degmada Warsheekh.

Xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle oo kulan la qaatay bulshada degmada Warsheekh.

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado  biyo ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ku wareejiyay Maamulka iyo Guddiga Abaaraha booyado biyo ah

March 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Guddiga Abaaraha Galmudug, ayaa maanta gaaray Degmada...

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

Abshir Cukaash oo dil toogasho lagu xakumay

March 3, 2026
0

Abshir Cukaash Cabdi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa lagu eedeeyay In uu si kas ah u dilay Daahir...

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In