Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan, ayaa maanta soo xiray kalfadhigii 5aad ee goloha Deeganka Degmada Gaalkacyo oo ka qabsoomay Xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo.
Kalfadhigaan, ayaa intii uu furnaa waxaa looga dooday Ajandayaal dhowr ah kuwaas oo ay ka mid ah:
1′ Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2021_2022.
2′ Qorsheynta Miisaaniyadda dhaqaale ee 2022-2023, iyo in dib u eegis lagu sameeynayo.
Waxaa kale oo leesla eegay Hishiis yahayad Maamulka dowlada hoose uu la galay shirkadaha iyo kambaniyo gaar loo leeyahay, kuwaas oo ka shaqeynayay Nadaafada iyo Naqshadeynta dhulka iyo bixinta warqadaha lahaanshada dhulalka iyo Soo jeedinta warbixinta kalfadhigii 4aad.ee golaha deegaanka dagmada.
Xildhibaanada Golaha deeganka Degmada Gaalkacyo, ayaa doodo dhowr ah ka yeeshay Ajandayaasha Dood dheer oo laga yeeshay kadib ayaa la meelmariyay.