Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho “Cayaaruhu waa astaan nabadeed iyo is–dhexgal bulshada”.

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho “Cayaaruhu waa astaan nabadeed iyo is–dhexgal bulshada”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa soo xiray koobka Jeneraal Daa’uud Cabdulle Xirsi oo dhammaadkiisa ay ku tartameen labada kooxood ee kala ah Horseed iyo Muqdisho City Club.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhammaadka cayaarta koobka guddoonsiiyey kooxda Horseed ee guushu raacday, uguna hambalyeeyay guusha ay gaareen, isagoo dadaalkooda ku boggaadiyey kooxda kaalinta labaad gashay ee Muqdisho City Club.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

March 28, 2026

Mudane Cumar Filish ayaa sheegay in cayaaruhu ay yihiin astaan nabadeed oo da’yartu uga qeyb qaadanayaan isdhexgalka bulshada, gaar ahaan ammaanka iyo xasilloonida Caasimadda, maadaama ay udub-dhexaad u yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Tartan Cayaareedkan xiisaha badan ee koobka Jeneraal Da’uud waxuu ka tarjumayaa qiimaha nabadda iyo is –dhexgalka bulshada. Waana isku imaatin ay bulshadu isku xogwareysanayso, maamulka Gobolka Banaadir na wuxuu dhiirigelinayaa garabna taagan yahay sidii kor loogu qaadi lahaa tartamada noocaan oo kale ah”.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu hormuud ka yahay adeegsiga cayaaraha, si bulshada la iskugu xiro, door weynna uga qaataan Nabadda iyo isku-xirnaantooda.

Previous Post

Soomaalida Tromsø oo lacag dhan $8,584 u dirtay dadkii ay saameeyeen fatahaada webiga ee ku nool Beledweyne

Next Post

Dowladda Talyaaniga oo Muqdisho keentay gar-gaar loogu tala galay Dadka ay fatahaaduhu saameeyeen+Sawirro

Next Post
Dowladda Talyaaniga oo Muqdisho keentay gar-gaar loogu tala galay Dadka ay fatahaaduhu saameeyeen+Sawirro

Dowladda Talyaaniga oo Muqdisho keentay gar-gaar loogu tala galay Dadka ay fatahaaduhu saameeyeen+Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray, waddada laamiga ah...

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Bishoftu,Ethiopia):-Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka Dalladda Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee waddamada urur gobolleedka IGAD oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS ayaa maanta xarigga ka jaraya wadada laamiga ah ee xiriirisa isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, taas oo maamulka...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Maputo):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta ciyaaray kulan muhiim ah oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In