Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Bulshada Gobolka ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan munaasabadaha xuska Todobaadka Xorriyadda+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 28, 2019
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Bulshada Gobolka ku bogaadiyay kaalinta ay ka qaadanayaan munaasabadaha xuska Todobaadka Xorriyadda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane; Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng;Yariisoow) oo Taallada Dhagaxtuur ee Degmada Waaberi kula hadlay qaar ka mid ah Bushada Caasimadda ayaa ku ammaanay sida waddaniyadda leh ee ay u weyneynayaan Maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maalmahan qiimaha badan ay fursad u yihiin deriseynta, is-cafinta iyo wacyigelinta Bulshada oo mudnaan gaar ah u leh Maamulka Gobolka Banaadir.

“Waxaan ku bogaadinayaa guddiyada kala duwan ee 17-ka Degmo ee Gobolka Banaadir dedaalka ay ugu jiraan Maalmahan oo idil qabsoomidda munsaabadaha Todobaadka xorriyadda, iyagoo muujiyey dareenka waddaniyadeed ee ay u qabaan Dadkooda iyo Dalkooda.”

Duqa Muqdisho ayaa kula dardaarmay Bulshada in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka, si looga hor tago falalka gurracan ee ay argagixisada Al-Shabaab u maleegayaan Shacabka.

Dhanka kale, Guddoomiye Eng.Yarisow ayaa Bulshada ku dhaqan Degmada Deyniile, goob fagaare ah kula hadlay, ka dib kormeer uu halkaasi ku tagay, wuxuuna uga warbixiyey Miro dhalka Barnaamijka Is-xilqaan iyo muhiimadda uu u leeyahay bilicda iyo dib u dhiska Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cabdirixmaan Cumar Cusmaan, ayaa Todobaadka xorriyadda awgii waxa uu u hambalyeeyay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay in laga wada qeyb qaato xuska Maalinta 1-da Luulyo ee dhammaadka u ah Maalmihii waddaniyadda ee xorriyadda Dalkeenna.

Previous Post

Madaxweyne Waare oo ku baaqay in la joojiyo colaad Beeleedyada ku soo noq-noqday degaanno ka tirsan Hiiraan

Next Post

Akhriso War-Murtiyeed laga soo saaray kulanka Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo  Madaxweynaha Galmudug

Next Post
Akhriso War-Murtiyeed laga soo saaray kulanka Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo  Madaxweynaha Galmudug

Akhriso War-Murtiyeed laga soo saaray kulanka Ra’iisul Wasaaraha XFS iyo  Madaxweynaha Galmudug

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In