Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo faray Maamulka Wadajir dardargelinta Qorshayaasha Horumarinta Degmada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 27, 2019
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo faray Maamulka Wadajir dardargelinta Qorshayaasha Horumarinta Degmada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo goob fagaare ah kula hadlay bulshada Degmada Wadajir ayaa sheegay in uu socdo qorshe dhammeystiran oo lagu sii xoojinayo amniga caasimadda.

 

Related posts

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey hawlgallada joogtada ah ee habeen iyo maalin ay ku guda jiraan geesiyaasha Soomaaliyeed ee sugaya amniga Caasimadda, isagoona adkeeyey muhiimadda ay leedahay doorka ay ka qaadanayaan shacabku sugidda amniga iyo ka hortagga falalka gurracan ee argagixisadu ay u maleegayaan muwaadiniinta.

Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay bulshada Degmada Wadajir in ay u istaagaan dardar gelinta is-dhexgalka bulshada, deriseynta, nabadeynta iyo horumarka Caasimada Muqdisho,iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir uu xoogga saarayo awood siinta shacabka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa faray Maamulka Cusub ee dhowaan loo soo magacaabay Degmada Wadajir kor u qaadidda bilicda degmada, xaqiijinta qorsheyaasha horumarineed iyo ilaalinta fayo dhowrka.

“Maadaama Degmadu yeelatay Maamul cusub waxaan filayaa in howlihii socday la sii dardargeliyo, gaar ahaan isdhexgalka bulshada, Deriseynta, nabadeynta iyo horumarka Caasimada”.

Duqa Muqdisho ayaa xusay in 15kii bilood ee la soo dhaafay lagu guuleystay wada shaqeynta shacabka iyo maamulka, iyadoo la hirgeliyay barnaamijka dariseynta oo qeyb muhiim ah ka qaatay isku xirka shacabka iyo Maamulka, gaar ahaan fulinta adeegyada bulshada, amniga iyo dib-u-dhiska Caasimadda.

—DHAMMAAD—

Previous Post

Shirka Iskaashiga Caalamiga ee dhanka Kaabayasha Dhaqaalaha oo ka furmay Beijing

Next Post

Wasiirka dib-u-heshiisiinta Hirshabelle oo kulamo Cadale kula qaatay Odayaasha beelo halkaasi ku dagaallamay “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka dib-u-heshiisiinta Hirshabelle oo kulamo Cadale kula qaatay Odayaasha beelo halkaasi ku dagaallamay “SAWIRRO”

Wasiirka dib-u-heshiisiinta Hirshabelle oo kulamo Cadale kula qaatay Odayaasha beelo halkaasi ku dagaallamay "SAWIRRO"

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

July 13, 2025
0

Diyaaraddii Air India ee ku burburtay 12-kii June 2025 magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya, ayaa noqday mid si weyn u...

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

July 13, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo Caalami ah kuwaas oo khuseeya sugidda Amniga Duulista Rayidka, heshiisyada ay Soomaaliya xubinta ka...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In