Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo faray Waaxaha Maamulka Gobolka Banaadir xaqiijinta horumarka iyo bilicda Caasimadda

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Eng Yariisow: Hoggaamiyihii ay u baahneed Muqdisho.!!!
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa faray Waaxaha Maamulka Gobolka, Dowladda Hoose ee Xamar iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka fulinta qodobadii iyo talooyinka horumarineed ee kasoo baxay Shirka Tubta Horumarinta Gobolka Banaadir ee maanta qabsoomay, kaas oo goob joog uu ku ahaa Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta.

 

Related posts

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

July 30, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo bogaadiyay sida nabdoon ee ay u socoto codbixinta

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo bogaadiyay sida nabdoon ee ay u socoto codbixinta

July 30, 2026

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey dadaalka joogtada ah ee howlwadeennada Gobolku ay ku xaqiijinayaan fayo dhowrka iyo bilicda Caasimadda oo bilihii la soo dhaafay isbaddel weyn lagu sameeyey.

“Inkastoo la gelay xilli roobaad, haddana dhammaan waxaa laga markhaanti kacay isbaddelka muuqda ee aan ku sameynay Naadafadda iyo bilicda, gaar ahaan goobihii ay biyuhu fariisan jireen gudaha magaalada, annagoo dib u hawl gelinay bulaacadihii guud ee magaalada.”

Eng.Yariisow ayaa ku ammaanay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Taliskoodaba gacanta muuqata ay ka geysanayaan dib u dhiska taallooyinka Qaranka ee ay ku tilmaamnayd Caasimadda.

Sidoo kale, Guddoomiyeha Yarisow, Kuxigeennadiisa iyo Hawlwadeennada Gobolk ayaa la wadaagay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda hawlaha socda oo ay ka mid yihiin dib u dhiska qaar ka mid xarumaha Degmooyinka, Waddooyin halboowle u ah isu socodka Caasimadda, naleynta iyo dardar gelinta Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo Tiyaatarka iyo Madxafka Qaranka.

DHAMMAAD

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo Horjooge ka soo goostay oo ku dagaalamay gobolka Gedo

Next Post
Somali Govt provides protection and safety to rescued 35 kidnapped children from terrorists group

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo Horjooge ka soo goostay oo ku dagaalamay gobolka Gedo

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

Wasiirro Galmudug ka tirsan oo Cadaado ka codeeyey

July 30, 2026
0

Wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa saaka safka lagalay kumanaan shacab ah oo ka codeynaya degmada Cadaado, iyagoo dooranaya golaha deegaanka...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo bogaadiyay sida nabdoon ee ay u socoto codbixinta

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo bogaadiyay sida nabdoon ee ay u socoto codbixinta

July 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo kormeer ku tegay goobaha ay ka socotay codbixinta doorashooyinka goleyaasha deegaanka...

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

July 29, 2026
0

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula...

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Cimilada ee Wasaaradda Maaliyadda, oo kaashanaya Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeeyay maanta tababbarka wajigii labaad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In