Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug halkaas oo ay si ballaaran ugu soo dhaweeyeen Madaxda iyo shacabka reer Galmudug.
Guddoomiye Madaale ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaadan doonno Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamud, kaas oo la xariira dardargalinta howlgalada silsilada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.
Waxaa ay Sidoo kale maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka reer Muqdisho ay garab u yihiin geesiyaasha Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xaqa u dirirka ah ee u taagan sidii dalkan looga sifeen lahaa kooxda arxanka daran ee Argagixisada ah.
Duqa Caasimadda ayaa ugu warbixin doona Madaxweynaha sida ay u socdaan howlaha diyaarinta saadka ciidanka oo ay cuni lahaayeen inta ay ku jiraan dagaalka lagu ciribtirayo khawaarijta,iyo xaalka guud ee caasimadda uu duqa ka ahaay siday aheyd.