Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 months ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktas, oo booqasho sharafeed ku tagay Aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Dr. Muungaab oo Safiirka ku soo dhaweeyay hab-maamuus walaaltinimo, ayaa kala hadlay muhiimadda uu xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya u leeyahay dib-u-dhiska, nabadgalyada, iyo horumarka Caasimadda.

Related posts

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026

Wuxuu xusay kaalinta muhiimka ah ee Turkigu ka qaatay taageeradii bani’aadannimo ee sannadkii 2011 iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee hadda socda, oo ay ka mid yihiin dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, tababarka ciidamada, la-dagaallanka argagaxisada, horumarinta adeegyada bulshada, iyo mashaariic waaweyn sida saldhigga dayax-gacmeedka.

Guddoomiyaha ayaa ballanqaaday in Maamulka Gobolka Banaadir mar walba diyaar u yahay fududeynta maalgashiga iyo barnaamijyada horumarineed ee Turkigu ka fulinayo Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale la wadaagay Safiirka danaynta Dowladda Hoose ee Muqdisho ee ku aaddan iskaashiga khibrad-is-weydaarsiga magaalooyinka waaweyn ee Turkiga, si loo xoojiyo adeegyada aasaasiga ah sida nadaafadda, waddooyinka, bulaacadaha, dab-damiska, iyo gurmadka degdegga ah.

Safiirka Turkiga, Danjire Alper Aktas, ayaa dhankiisa caddeeyay in dalkiisu mar walba garab taagan yahay dadaallada dowlad-dhisidda, nabadaynta, horumarinta Soomaaliya, iyo taageerada ajandaha Doorashada Qof iyo Cod ah ee Caasimadda iyo gobollada dalka.

 

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo booqday Machadka farsamada ee ciidamada Serbia

Next Post

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad

Next Post
Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi caafimaad

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare oo gaaray Laascaanood

January 12, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabduullaahi Cali Xersi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In