RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminaayo Madaxa Howlgalka Xafiiska Heyโadda UNICEF ee Soomaaliya Mads Oyen.
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta adeegyada caafimaadka guud ee Gobolka Banaadir, xoojinta adeega nafaqeynta caruurta, balaarinta goobaha keydka talaalka iyo in heyโadda UNICEF ay door ka qaadato horumarinta xarumaha caafimaadka Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bogaadiyay doorka Heyโada UNICEF ee Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka, asigoona hoosta ka xariiqay in laga wada shaqeeyo gaarista yoolka caafimaadka loo dhanyahay.











