Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Taliska Ciidanka Xoogga dalka kala hadlay Howlgallada Argagixisada looga sifeynayo Gobollada Shabeellooyinka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 27, 2019
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Taliska Ciidanka Xoogga dalka kala hadlay Howlgallada Argagixisada looga sifeynayo Gobollada Shabeellooyinka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kulan looga hadlayay howlgallada Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha dhexe looga sifeynayo Argagixisada kula yeeshay degmada Dayniile Taliska Ciidanka Xoogga dalka.

Guddoomiyaha iyo Saraakiisha ka socotay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa isla falanqeeyeen muhiimadda uu amniga Caasimaddu u leeyahay xasilloonida dalka, iyagoo isku raacay in la dardargeliyo howlgallada looga sifeynayo kooxaha argagixisada Gobollada Shabellaha Hoose iyo Shebellaha dhexe.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii loo xaqiijin lahaa amniga guud ee Caasimadda, anagoo isku raacnay in la dardargeliyo howlgallada looga sifeynayo kooxaha argagixisada Gobollada Shabellaha Hoose iyo Shebellaha dhexe”.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in xoreynta labadan gobol ay muhiimad weyn u leeyihiin daganaanshaha Caasimadda, loona baahan yahay in si buuxda loo xaqiijiyo amnigooda.

Saraakiisha ka socotay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Maamulka gobolka Banaadir dadaalada xasilloonida loogu soo dabaalayo Caasimadda, iyagoo xusay in ay ka go’an tahay sidii guud ahaan dalka Amnigiisa loo xaqiijin lahaa.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku howllan sidii loo dardargelin lahaa amniga Caasimadda, si bulshada ku nool Muqdisho Xasillooni u helaan, isla markaana looga hortago falalka ay kooxaha argagixisadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka, Xildhibaano iyo saraakiil ka socotay qeybaha Ciidanka amniga.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq gargaar ah ka guddoomay Wasiirka Maareynta Musiibooyinka “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku kala saxiixday heshiis is-afgarad ah “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku kala saxiixday heshiis is-afgarad ah “SAWIRRO”

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku kala saxiixday heshiis is-afgarad ah “SAWIRRO”

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In