Wednesday, September 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq gargaar ah ka guddoomay Wasiirka Maareynta Musiibooyinka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo deeq gargaar ah ka guddoomay Wasiirka Maareynta Musiibooyinka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareenta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamza Saciid Xamza kala wareegay deeq gargaar ah oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka Barakacayaasha.

Deeqdan oo ka kooban baco, teendhooyin iyo raashin ayaa ah mid loogu talagalay dadka baracayaasha ah ee ku nool magaalada.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Wasiirka Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Mudane Xamza Saciid Xamza ayaa deeqda ku wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

“Waxaan halkan u joogaa inaan ku wareejiyo agab gargaar beni’adanimo ah Gobolka Banaadir oo loogu talaglay barakacayaasha, waxa ay isugu jiraan Teendhooyin, bustayaal iyo raashin ee iga guddoon Guddoomiye”ayuu yiri Wasiirka Gargaarka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka mahadceliyay kaalmada la soo gaarsiiyay, isagoo xusay inay gaarsiin doonaan dadka mudan.

“Waxaan hada Wasiirka iyo dhamaan madaxda Wasaaradda Maareynta aan ka guddoonay kaalmo loogu talagalay dadka barakacayaasha ah, waana gaarsiin doonaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay kaalmo tan la mid ah la soo gaaraan qoysaska barakacayaasha ee uu saameeyay roobabkii ka da’ay magaalada.

“Dad badan oo guryahooda ay dumeen ayaa loo qaaday meel dhaanto meelihii ay deganaayeen, maamulka Gobolka Banaadir waxa uu xooga saaray in uu biyo ka qaado isagoo isticmaalo booyado meelo badan oo biyo buux dhaafiyay, marka ganacsatada iyo shacabka wax heysta waxaan ka codsaneynaa inay u kaalmeeyaan walaalahood barakacayaasha ah” ayuu Guddoomiye Cumar hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Duqa Muqdisho oo Taliska Ciidanka Xoogga dalka kala hadlay Howlgallada Argagixisada looga sifeynayo Gobollada Shabeellooyinka “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho oo Taliska Ciidanka Xoogga dalka kala hadlay Howlgallada Argagixisada looga sifeynayo Gobollada Shabeellooyinka “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo Taliska Ciidanka Xoogga dalka kala hadlay Howlgallada Argagixisada looga sifeynayo Gobollada Shabeellooyinka “SAWIRRO”

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In