Wednesday, April 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Xarunta Dawladda Hoose ka furay Shir looga hadlayay Arrimaha Dawladaha Hoose ee dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Xarunta Dawladda Hoose ka furay Shir looga hadlayay Arrimaha Dawladaha Hoose ee dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa maanta ka furay Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar Shirka Dawladdaha Hoose oo ay ka soo qeyb galeen, Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Dawlad Gobolleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yarisow oo ku soo dhaweeyey Caasimadda dalka masuuliyiinta ka socotay dawlad Gobolleedyada dalka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in awoodda la baahiyo lana gaarsiiyo heerka ugu hooseeya, si loo xaqiijiyo in dadka shacabka ah ay dooran karaan hoggaamiyeyaasha ay ayagu doonayaan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ammaanay dadaallada ay fidiyeen Wasaarrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee ay sare ugu qaadayaan xoojinta nidaamka federaalka ah . Isagoo xusay in Maamul hoosaad oo huffan uu muhiim u yahay wanaajinta nolosha dadka Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo ka hadlay ahmiyad uu maamulkiisu siiyey dhismaha Golleyaasha deegaanka ayaa xusay in la diyaariyey qorshihii lagu dhisi lahaa Golleyaasha, si dadka loogu diyaariyo doorashooyinka la qorshaynayo sanadka 2020.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamul Gobolleedka Galmudug Mudane Maxamed Xayir Nuur oo ku hadlayay magaca Dawlad Gobolleedyada ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir qabsoomidda shirkan, isla markaana waxuu ku boggaadiyey dhinacyada ka qeyb-galaya in meel cad looga soo wada jeesto dhismaha Golleyaasha deegaanka oo aas-aas u ah Dimoqoraadiyadda iyo u diyaar garowga Doorashooyin ka qabsooma dalka oo dhan.

Previous Post

Shir looga hadlayay sidii loo dedejin lahaa Mashaariicda horumarineed ee Norway oo Muqdisho lagu qabtay “SAWIRRO”

Next Post

Kulanka Golloha Wasiirada Soomaaliya oo lagu Ansixiyay Hindise Shirciyeedyadda Dambiyadda Kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta Magaalooyinka “SAWIRRO”

Next Post
Kulanka Golloha Wasiirada Soomaaliya oo lagu Ansixiyay Hindise Shirciyeedyadda Dambiyadda Kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta Magaalooyinka “SAWIRRO”

Kulanka Golloha Wasiirada Soomaaliya oo lagu Ansixiyay Hindise Shirciyeedyadda Dambiyadda Kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta Magaalooyinka "SAWIRRO"

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey  ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shahaadooyin guddoonsiiyey ka qaybgalayaasha Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

April 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, mudane Daud Aweis , iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cabdihakim...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo soo dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan

April 8, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay si diirran u...

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

Madaxweynaha JFS oo soo gabagabeeyay wadatashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed

April 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay wada-tashiyo siyaasadeed iyo kulamo dib u heshiisiineed oo uu...

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay Raisedon Zenenga

April 8, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa la kulmay Mudane Raisedon Zenenga, Ku simaha Madaxa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In