Wednesday, December 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo Xarunta Dawladda Hoose ka furay Shir looga hadlayay Arrimaha Dawladaha Hoose ee dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo Xarunta Dawladda Hoose ka furay Shir looga hadlayay Arrimaha Dawladaha Hoose ee dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa maanta ka furay Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar Shirka Dawladdaha Hoose oo ay ka soo qeyb galeen, Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Dawlad Gobolleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yarisow oo ku soo dhaweeyey Caasimadda dalka masuuliyiinta ka socotay dawlad Gobolleedyada dalka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in awoodda la baahiyo lana gaarsiiyo heerka ugu hooseeya, si loo xaqiijiyo in dadka shacabka ah ay dooran karaan hoggaamiyeyaasha ay ayagu doonayaan.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale ammaanay dadaallada ay fidiyeen Wasaarrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee ay sare ugu qaadayaan xoojinta nidaamka federaalka ah . Isagoo xusay in Maamul hoosaad oo huffan uu muhiim u yahay wanaajinta nolosha dadka Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo ka hadlay ahmiyad uu maamulkiisu siiyey dhismaha Golleyaasha deegaanka ayaa xusay in la diyaariyey qorshihii lagu dhisi lahaa Golleyaasha, si dadka loogu diyaariyo doorashooyinka la qorshaynayo sanadka 2020.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamul Gobolleedka Galmudug Mudane Maxamed Xayir Nuur oo ku hadlayay magaca Dawlad Gobolleedyada ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir qabsoomidda shirkan, isla markaana waxuu ku boggaadiyey dhinacyada ka qeyb-galaya in meel cad looga soo wada jeesto dhismaha Golleyaasha deegaanka oo aas-aas u ah Dimoqoraadiyadda iyo u diyaar garowga Doorashooyin ka qabsooma dalka oo dhan.

 

Previous Post

Shir looga hadlayay sidii loo dedejin lahaa Mashaariicda horumarineed ee Norway oo Muqdisho lagu qabtay “SAWIRRO”

Next Post

Kulanka Golloha Wasiirada Soomaaliya oo lagu Ansixiyay Hindise Shirciyeedyadda Dambiyadda Kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta Magaalooyinka “SAWIRRO”

Next Post
Kulanka Golloha Wasiirada Soomaaliya oo lagu Ansixiyay Hindise Shirciyeedyadda Dambiyadda Kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta Magaalooyinka “SAWIRRO”

Kulanka Golloha Wasiirada Soomaaliya oo lagu Ansixiyay Hindise Shirciyeedyadda Dambiyadda Kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta Magaalooyinka "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay heegan buuxa oo la geliyay Gaadiidka Gurmadka Degdegga ah.

December 24, 2025
0

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in waaxyaha Gurmadka Degdegga ah iyo Caafimaadka ay diyaariyeen gaadiid iyo shaqaale ku filan, kuwaas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In