Tuesday, March 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho “Shirka Brussels waxuu xaqiijiyey horumarka ballaaran ee dalka ka jira.”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho “Shirka Brussels waxuu xaqiijiyey horumarka ballaaran ee dalka ka jira.”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalaya shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somalia Partnership Forum) ayaa sheegay in beesha caalamku ay aad u soo dhoweeyeen una xaqiijiyeen horumarka ballaaran ee dalka ka jira, iyadoo la isku raacay in si xoog leh loo taageero Soomaaliya.

Mudane Eng. Yarisow ayaa sheegay in mudadii 10ka sano ee uu siyaasada ku soo jiray ay tahay markii ugu horreysey oo beesha caalamku ay si wadajir ah u waafaqeen horumarka jira ee dhanka maamulka iyo maaliyada, amniga, u diyaar garowga doorashooyinka, dib u eegista dastuurka iyo sida loogu baahanahay in Soomaaliya maalgeshi xoogan loo helo.

Related posts

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

March 3, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo shir guddoominayey shirka SPF ayaa sheegay in Dowladiisu ay ka go’antahay dardargelinta horumarka jira si shacabka loogu adeego loona gaarsiiyo doorashooyin hal-cod iyo hal qof ah oo talada loo celiyo shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Eng. Yarisow oo shalay shirka amniga khudbad ka jeediyey ayaa ka warbixiyey horumarka caasimada ee dhanka amniga, sida shacabka ay maalin walba ugu tallaabsanayaan horumar joogta ah oo dhan walba ah, sheegeyna adkeysiga shacabka inuu yahay kan keena horumarka. Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey barnaamijka sugidda amniga caasimada Muqdisho, isagoo u mahadceliyey hay’adaha amniga iyo shacabka oo kaalin weyn ka geystay sugidda amniga, iyadoo maamulka gobolka Banaadir hirgeliyey barnaamijka dariseynta oo shacabka, maamulka iyo hay’adaha amniga ay si wadajir ah uga wada shaqeynayaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Benaadir uu diyaariyey Qorshaha Horumarinta Caasimada, Siyaasada Barakacayaasha, Qorshaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka, hirgelinta doorashooyinka 2020ka ee dowladhaa hoose iyo hirgelinta qorshaha sugida amniga caasimada. Horumarka jirana u baahanyahay in la joogteeyo iyadoo bulshada laga qeybgelinayo wadatshiyada iyo ka qeyb qaadashada horumarka caasimada iyo kan guud ee dalka.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay inay AMISOM isku afgarteen in Garoonka Muqdisho la baneeyo oo la rajeynayo in tartanka cayaaraha Gobolada ee dhammaadka sanadka lagu qaban doono. Sidoo kale Yarisow ayaa sheegay in la bilaabi doono dayactirka garoonka iyadoo lagala shaqeynayo Wasaarada Isboortiga.

Previous Post

Akhriso:-Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS ee kulanka Wakiillada Ganacsatada Madasha Iskaashiga Soomaaliya

Next Post

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay xilliga la bilaabayo Kaararka Aqoonsiga.

Next Post
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay xilliga la bilaabayo Kaararka Aqoonsiga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay xilliga la bilaabayo Kaararka Aqoonsiga.

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐇𝐒𝐉 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐄𝐫𝐠𝐚𝐲𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦ad𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐨𝐛𝐚𝐲

March 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa xafiiskiisa kula kulmay Ergayga Gaarka ah ee...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

March 3, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha....

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 2, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay Dhaxal-sugaha Kuwait

March 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka telefoonka kula hadlay Dhaxal-sugaha Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuwayt...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In