Monday, January 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho “Shirka Brussels waxuu xaqiijiyey horumarka ballaaran ee dalka ka jira.”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho “Shirka Brussels waxuu xaqiijiyey horumarka ballaaran ee dalka ka jira.”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ka qeybgalaya shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya (Somalia Partnership Forum) ayaa sheegay in beesha caalamku ay aad u soo dhoweeyeen una xaqiijiyeen horumarka ballaaran ee dalka ka jira, iyadoo la isku raacay in si xoog leh loo taageero Soomaaliya.

Mudane Eng. Yarisow ayaa sheegay in mudadii 10ka sano ee uu siyaasada ku soo jiray ay tahay markii ugu horreysey oo beesha caalamku ay si wadajir ah u waafaqeen horumarka jira ee dhanka maamulka iyo maaliyada, amniga, u diyaar garowga doorashooyinka, dib u eegista dastuurka iyo sida loogu baahanahay in Soomaaliya maalgeshi xoogan loo helo.

Related posts

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐌𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐌𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘

January 19, 2026
Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

January 19, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo shir guddoominayey shirka SPF ayaa sheegay in Dowladiisu ay ka go’antahay dardargelinta horumarka jira si shacabka loogu adeego loona gaarsiiyo doorashooyin hal-cod iyo hal qof ah oo talada loo celiyo shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Eng. Yarisow oo shalay shirka amniga khudbad ka jeediyey ayaa ka warbixiyey horumarka caasimada ee dhanka amniga, sida shacabka ay maalin walba ugu tallaabsanayaan horumar joogta ah oo dhan walba ah, sheegeyna adkeysiga shacabka inuu yahay kan keena horumarka. Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey barnaamijka sugidda amniga caasimada Muqdisho, isagoo u mahadceliyey hay’adaha amniga iyo shacabka oo kaalin weyn ka geystay sugidda amniga, iyadoo maamulka gobolka Banaadir hirgeliyey barnaamijka dariseynta oo shacabka, maamulka iyo hay’adaha amniga ay si wadajir ah uga wada shaqeynayaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Benaadir uu diyaariyey Qorshaha Horumarinta Caasimada, Siyaasada Barakacayaasha, Qorshaha golayaasha deegaanka ee degmooyinka, hirgelinta doorashooyinka 2020ka ee dowladhaa hoose iyo hirgelinta qorshaha sugida amniga caasimada. Horumarka jirana u baahanyahay in la joogteeyo iyadoo bulshada laga qeybgelinayo wadatshiyada iyo ka qeyb qaadashada horumarka caasimada iyo kan guud ee dalka.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay inay AMISOM isku afgarteen in Garoonka Muqdisho la baneeyo oo la rajeynayo in tartanka cayaaraha Gobolada ee dhammaadka sanadka lagu qaban doono. Sidoo kale Yarisow ayaa sheegay in la bilaabi doono dayactirka garoonka iyadoo lagala shaqeynayo Wasaarada Isboortiga.

Previous Post

Akhriso:-Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS ee kulanka Wakiillada Ganacsatada Madasha Iskaashiga Soomaaliya

Next Post

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay xilliga la bilaabayo Kaararka Aqoonsiga.

Next Post
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay xilliga la bilaabayo Kaararka Aqoonsiga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shaacisay xilliga la bilaabayo Kaararka Aqoonsiga.

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐌𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐌𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Isniinta maanta ah xarigga ka jaray Dugsiga...

Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka

January 19, 2026
0

Soomaaliya waa qaran ka mid ah dalalka Afrika ugu geesisan taariikhda. Gumaysigii Yurub marka uu qaaradda ku fidayay si fudud,...

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta ka hadlay bannaanbax ay saakay...

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

January 19, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari hubeysan uu isticmaalo mootooyinka Fekonta. Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba reeban...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In