Ciidammada difaaca Soomaaliya iyo saaxiibbadooda Caalamka ayaa duqeyn ku burburiyey Baabuur ay Al-Shabaab ku soo diyaariyeen qaraxyo ay la damacsanaayeen Caasimadda Dalka.
Saraakiil ka tirsan hayโadaha amniga ayaa xaqiijiyey in duqeyntan ay dhacday Habeennimadii Axadda, waxaana laga geystay Xaafado ku yaalla Degmooyinka Saakoow iyo Buโaale oo ka tirsan Gobolka Jubbada dhexe.
Duqeynta ayaa sidoo kale lagu burburiyey Laba xarumood oo mid ka mid ah qaraxyada lagu farsameynayey halka xarunta kalena lagu tababari jiray malleeshiyada Al-Shabaab.
Dad goob-joogayaal ah ayaa laga soo xigtay in ay maqleen dhawaqa illaa 7 Gentaal iyo Rasaas lala bartilmaameedsanayay goobahaas, iyadoo sidoo kalena Degmada Buโaale laga arkayay holaca iyo Uurada xarumahaasi.
Wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya in Al-Shabaab khasaaraha gaaray uu ballaaran yahay, ayna jirto dhimasho iyo dhaawac daran oo soo gaaray xubno ka mid ah Argagixisadu.