Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqeyn lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo laga fuliyay Bakool

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Duqeyn lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo laga fuliyay Bakool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaarada amniga maamulka Koonfur galbeed ayaa xaqiijisay in saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ay xalay howlgal duqeyn ah ku dileen Horjoogayaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, taasi oo  ka dhacday deegaanka Mamoodow oo qiyaastii 40-Km dhanka waqooyi uga began degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Duqeynta ayaa waxaa lagu qaarajiyay horjoogayaal ku hawlanaa sidii loo dhibaatayn lahaa hantida shacabka Soomaaliyeed, waxaana maleeshiyada la duqeeyay isku dayeen in ay wadadda u galaan gaadiid ganacsi iyo kuwo gargaar u siday degmada Xuddur.

Related posts

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026

sida la sheegay duqeynta ayaa qeyb ka aheed qorshaha Dowladda Federaalka, saaxiibada Soomaaliya iyo maamul Koonfur galbeed ay ku doonayaan sidii maleeshiyada Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa guud ahaan deegaanada maamulkaasi.

Horjoogayaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ka firxaday howlgalka ay wadaan Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa saaxiibada caalamka ayaa si dhuumaaleysi ah ku jooga deegaano ka tirsan gobolka Bakool, kuwaas oo lagu raad joogo.

Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur galbeed oo ka jawaabaya baaqa shacabka gobolka Bakool ee ay  go’doomiyeen maleeshiyada Al-Shabaab ayaa qaaday howlgal lagu baacsanayo kooxaha argagixisada si looga dul qaado dhibaatada shacabka ay ku hayaan.

Previous Post

Qaramada Midoobay oo shaacisay halka lagu qaban doono madasha wadahadalka siyaasadeed ee Liibiya

Next Post

Ururka Caafimaadka Adduunka oo  ku baaqay in laga fogaado khaladaadkii hore ee tallaalka COVID-19

Next Post
Ururka Caafimaadka Adduunka oo  ku baaqay in laga fogaado khaladaadkii hore ee tallaalka COVID-19

Ururka Caafimaadka Adduunka oo  ku baaqay in laga fogaado khaladaadkii hore ee tallaalka COVID-19

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In