Monday, August 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duufaanta Florence oo khasaare xoogan ka geysatay Mareykanka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Duufaanta Florence oo khasaare xoogan ka geysatay Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026
Waxaa sii kordhaya xaaladaha adag ee dhanka nolosha ee ka dhalatay musiibadii ka dhacday Gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka,kadib markii halkaasi ay duufaan xoogan ku dhufatay.

Guddoomiyaha Gobolkaasi North Carolina Roy Cooper oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in dhibaato xooggan ay dhaliyeen daadadkaasi,wuxuuna u digay dadku in ay ka fogaadaan meelaha daadadku ay ku xooggan yihiin sida waddooyinka.

Inkastoo ay sii yaraanayso awoodda duufaanta Florence ee xeebaha ku dhufatay Jimcihii haddana roobab mahiigaan ah ayaa ka dhashay waxayna ku sii wajahan yihiin North iyo South Carolina.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhimatay dhacdooyinka duufaanta la xiriira,toban dadkaas ka mid ah waxay ku dhinteen North Carolina halka shan kalana ay ku dhinteen South Carolina,sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta maamulka ee gobolladaas.

Xarunta Qaran ee Duufaannada ee Mareykanka ayaa sheegatay in ay hoos u dhacday Duufaantan loo yaqaanoo Florence, balse daadadka iyo wabiyada karkaarrada jabsaday ayaa saamayn baaxad leh ka sii gaysan doona qaybo badan oo gobolladaasi ka mid ah.

Waxaa sidoo kale Xarunta Qaran ee Duufaannada ay sheegtay in Dabaylaha ay ku socdaan 55km saacaddiiba,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta waadxaasi qaran ee duufaanta dalka Maraykanka ee magaceeda loo soo gaabiyo NHC,waxaa sidoo kale jira khasaare xoogan oo hantiyadeed.

Maamulka Gobolka North Carolina ayaa sheegay in gobolka uu haatan wajahayo halistii ugu badnayd,wuxuuna muujiyay in loo baahanyahay gargaar dheeraad ah.

Previous Post

Raiisulwasaare Khayre”Marna dib loo laaban maayo”

Next Post

War saxaafadeed: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo ku aadan Fedeeraalaynta iyo Dimoqraadiyaynta dalka

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Dibada XFS oo ka hadashay Xaalidihii u dambeeyay ee Xiriirka Sacuudiga iyo Canada

War saxaafadeed: Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo ku aadan Fedeeraalaynta iyo Dimoqraadiyaynta dalka

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay...

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika oo ka furmay Muqdisho

August 3, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Khubarada Milateriga ee Dalalka Ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo dhaweeyay Wafdiga ka socday Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

August 3, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xarunta...

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC) oo galay maalintiisa 2aad

August 3, 2026
0

Shirweynaha Istaraatiijiyadda Dardar-gelinta iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC), oo uu daah furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In