Kulankaan oo ay ka qeyb galeen Culumaa’udiin,Siyaasiyiin ,Aqoonyahano ,qeybaha kala duwan ee bulshada iyo sidoo kale ehelada Xaashi Cumar Xasan oo muwaadin Soomaaliyeed oo mudo 17’sano ah ku xiran dalka Talyaaniga ayaa manta waxa uu ka dhacay Magaaladda magaalada mqudisho ,waxaana ay si wadajir ah uga codsadeen Dowladda Talyaaniga in ay xuriyadiisa siiso muwaadinkan Soomaaliyeed oo mudada ku xiran xabsi ku yaala dalka Talyaaniga.
Nabadoon mukhtaar Axmed Maxamed oo ka mid ah nabadoonadii ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in xaashi Cumar Xasan uu san aheyn dembiile ,waxa uuna Dowladda Talyaaniga uu ugu baaqay in ay sii deyso muwaadinkan Soomaaliyeed.
Professor Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed islamarkaana muddo aad u dheer la socday kiiska lagu heysto Xaashi Cumar Xasan oo ah muwaadinka ku xiran dalka Talyaaniga kana mid ah dadka u ololeeya sii deynta dhibanaha ayaa ka sheekeeyay marxalidihii kiiska xaashi uu soo maray iyo hada meesha uu marayo oo ah in xuriyadiisa uu dib u helo.
Naciimo Nuur Yuusuf waa gabar 17’sano jir ah waxaana ay ifka ku soo biirtay maalintii la xiray Xaashi Cumar Xasan oo ah abtigeed, ayaa sheegtay in ay san weligeed arkin ,Naciimo oo ka murugeysan xariga abtigeed Xaashi ayaa ka codsatay Dowladda Talyaaniga in ay dib xuriyadiisa u siiso abtigeed Xaashi Cumar Xasan.
Madiino Maxamed Maxamuud Saandheere oo ah hooyada dhashay Maxbuuska Xaashi Cumar Xasan ayaa sheegtay in wiilkeeda uusan aheyn dembiile islamarkaana waxyaabaha lagu eedeeyay aanu waxba ka jirin ,iyadoo ka codsatay Dowladda federaalka Soomaaliya in ay gacan ka geysato sii deynta wiilkeeda.
Dhibane Xaashi Cumar Xasan oo ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa mudo waxa uu ku xiranyahay xabsi ku yaala dalka Talyaaniga ,isagoo 17’sano oo ka mid ah noloshiisana ku qaatay xabsi dhexdiisa walina kujira.
Waxaana Xaashi lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dil magaalada Muqdisho loogu gaystay sanadka markuu ahaa 1994,kii Alaria Alpa oo aheyd suxufiyad ka howgalaysay Telefishinka Rail oo laga leeyahay dalka Talyaaniga iyo sidoo kale Miran Rovati oo ahaa Cameraman ay wada shaqenynayeen,waxaana Xaashi Cumar Xasan oo ah muwaadinka Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Talyaaniga xusid mudan in marka dilalka lagu eedeeyay ay dhacayeen uu ku maqnaa degmada Cadale ee gobolka shabeelaha dhexe sida ay eheladiisa sheegeen.
Sawir:-Qaade Qadar cali Nuur