Tuesday, May 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

Ehelada Muwaadin Ku xiran Talyaaniga oo Codsaday in la Siidaayo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 5, 2015
in Keydka Sawirrada, Wararka
0
Ehelada Muwaadin Ku xiran Talyaaniga oo Codsaday in la Siidaayo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo ay ka qeyb galeen Culumaa’udiin,Siyaasiyiin ,Aqoonyahano ,qeybaha kala duwan ee bulshada iyo sidoo kale ehelada Xaashi Cumar Xasan oo muwaadin Soomaaliyeed oo mudo 17’sano ah ku xiran dalka Talyaaniga ayaa manta waxa uu ka dhacay Magaaladda magaalada mqudisho ,waxaana ay si wadajir ah uga codsadeen Dowladda Talyaaniga in ay xuriyadiisa siiso  muwaadinkan Soomaaliyeed oo mudada ku xiran xabsi ku yaala dalka Talyaaniga.

Nabadoon mukhtaar Axmed Maxamed oo ka mid ah nabadoonadii ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in xaashi Cumar Xasan uu san aheyn dembiile ,waxa uuna Dowladda Talyaaniga uu ugu baaqay in ay sii deyso muwaadinkan Soomaaliyeed.

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

Professor Yaxye Sheekh Caamir oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed islamarkaana muddo aad u dheer la socday kiiska lagu  heysto Xaashi Cumar Xasan oo ah muwaadinka ku xiran dalka Talyaaniga kana mid ah dadka u ololeeya sii deynta dhibanaha ayaa ka sheekeeyay marxalidihii kiiska xaashi uu soo maray iyo hada meesha uu marayo oo ah in xuriyadiisa uu dib u helo.    

Naciimo Nuur Yuusuf waa gabar 17’sano jir ah waxaana ay ifka ku soo biirtay maalintii la xiray Xaashi Cumar Xasan oo ah abtigeed, ayaa sheegtay in ay san weligeed arkin ,Naciimo oo ka murugeysan xariga abtigeed Xaashi ayaa ka codsatay Dowladda Talyaaniga in ay dib xuriyadiisa u siiso abtigeed Xaashi Cumar Xasan.

Madiino Maxamed Maxamuud Saandheere oo ah hooyada dhashay Maxbuuska Xaashi Cumar Xasan ayaa sheegtay in wiilkeeda uusan aheyn dembiile islamarkaana waxyaabaha lagu eedeeyay aanu waxba ka jirin ,iyadoo ka codsatay Dowladda federaalka Soomaaliya in ay gacan ka geysato sii deynta wiilkeeda.

Dhibane Xaashi Cumar Xasan oo ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa mudo waxa uu ku xiranyahay xabsi ku yaala dalka Talyaaniga ,isagoo 17’sano oo ka mid ah noloshiisana ku qaatay xabsi dhexdiisa walina kujira.

Waxaana Xaashi lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dil magaalada Muqdisho loogu gaystay sanadka markuu ahaa 1994,kii  Alaria Alpa oo aheyd suxufiyad ka howgalaysay Telefishinka Rail oo laga leeyahay dalka Talyaaniga iyo sidoo kale Miran Rovati  oo ahaa Cameraman ay wada shaqenynayeen,waxaana Xaashi Cumar Xasan oo ah muwaadinka Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Talyaaniga xusid mudan in marka dilalka lagu eedeeyay ay dhacayeen  uu ku maqnaa degmada Cadale  ee gobolka shabeelaha dhexe sida ay eheladiisa sheegeen.

DSC02095 DSC02096 DSC02097 DSC02098 DSC02100 DSC02101 DSC02102 DSC02104 DSC02105 DSC02107 DSC02109 DSC02112 DSC02114 DSC02115 DSC02117 DSC02118 DSC02119 DSC02120 DSC02121 DSC02124 DSC02125 DSC02126 DSC02127 DSC02129 DSC02130 DSC02131 DSC02132 DSC02134 DSC02136 DSC02140 DSC02147 DSC02148 DSC02149 DSC02152 DSC02153 DSC02155 DSC02158 DSC02164 DSC02169 DSC02170 DSC02171 DSC02172 DSC02173 DSC02174 DSC02178 DSC02181 DSC02184 DSC02185 DSC02191 DSC02193 DSC02198 DSC02200 DSC02202 DSC02203DSC02202

 Sawir:-Qaade Qadar cali Nuur

Previous Post

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee gobolkaasi

Next Post

Maamulka Degmada Dharkiinlay oo soo saaray Ammarro lagu Adgaynayo Ammaanka

Next Post
Maamulka Degmada Dharkiinlay oo soo saaray Ammarro lagu Adgaynayo Ammaanka

Maamulka Degmada Dharkiinlay oo soo saaray Ammarro lagu Adgaynayo Ammaanka

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In