Wednesday, May 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

EIsaias Afwerki” Soomaaliya iyo Eriteria waxaa ka dhaxeeyaa Xiriir fog oo ka soo unkamay Xadaaradihii hore ee Gobolka”

admin by admin
July 30, 2018
in Wararka
0
EIsaias Afwerki” Soomaaliya iyo Eriteria waxaa ka dhaxeeyaa Xiriir fog oo ka soo unkamay Xadaaradihii hore ee Gobolka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden

May 21, 2025
Xujeyda Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay heli doonaan Adeeg Caafimaad oo casri ah

Xujeyda Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay heli doonaan Adeeg Caafimaad oo casri ah

May 21, 2025

Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki oo hadal ka jeedinayay munaasabad soo dhoweeyn  ah oo madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa loogu sameeyay magaalada Asmara ayaa marka hore sheegay iney farxad weyn u tahay inuu ku soo dhoweeyo gurigooda Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee booqday Ereteriya.

 

“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka dalka Eriteriya waxaa farxad weyn ii ah in aan idin ku soo dhaweeyo gurigiina labaad Mudane Madaxweyne adiga iyo wafdigaaga sharafta leh”.

Madaxweyne Isaias Afwerki oo ka hadlayay xiriirka ka dhaxeeya Labada dalka ayaa Yiri’ Xiriirrada taariikhiga ah ee u dhexeeya labada shacab ee Ereteriya iyo Soomaaliya waxay ka soo unkameen bah-wadaagta aan ku nahay xadaaradihii hore ee ka jiray gobolka Geeska Afrika iyo in aan xisaabsannahay qaybta koonfureed ee Jasiiradda Carabta”.

Waxaan ku faannaa taariikhdan. Ixtiraamka dadka Eriteriya ay u hayaan walaalahooda Soomaaliya ayaa ku ku saleysan sooyaalkan wada jirka ah ee faca weyn.

Sidoo kale Mudane Isaias Afwerki ayaa sheegay in wax badan laga bartay caqabadahii hore ee inoo soo maray tobannaankii sano ee la soo dhaafay. Dhammaanteen Soomaaliya, Itoobiya, Eriteriya iyo Suudaan waxa aynu si dhab ah ugu istaagnay dib u dhiska dalalkeenna, innagoona haysanna fursad taariikhi ah aynu ku dhisan karno iskaashi buuxa ee dalalka Gobolka Geeska Afrika.

“Inkastoo dhibaatooyinka nasoo maray ay badnaayeen, haddana waxaa muuqata in aan maanta galnay marxalad cusub, maadama aysan waligeed sii jireyn colaadaha iyo xasillooni darradu, waxayna u egtahay in haatan ay  dhammaad yihiin”, ayuu ku yiri Isaias Afwerki Khudbadka uu ka jeediyay munaasabadda lagu soo dhoweeynayay madaxweyne Farmaajo iyo Wafdigiisa ee Asmara.

Madaxweynaha dalka Eriteriya oo soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inuusan shaki ku jirin in dadka Soomaaliyeed sida ugu dhaqsiyaha badan ula jaan qaadayaan hayaanka horumarka ay umba qaadeen dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

“Mudane Madaxweyne,Waxaad ii ogolaataa inaan mar labaad kuu xaqiijiyo sida aan ugu kalsoonahay kaalinta wax ku oolka ah ee shacabka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xaqiijinta iskaashiga aadka u sareeya ee aynu qorsheynayno. Waxan kuu rajeynayaa guul weyn oo ku aadan ka miradhalinta  dadaalada aad ku howlantahay, waxan kaloo kuu rajeynayaa in aad ka gudubtaan caqabadaha idin horyaala oo aadna kaalintiina ka qaadataan  iskaashiga amni iyo dhaqaale gobolka,’ ayuu ku soo gunaanaday Khudbadkiisa madaxweynaha dalka Eriteriya Isaias Afwerki.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa waxay safar taariikhi ah ku joogaan magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eriteria,isagoona kullamo Taariikhi ah kula yeeshay madaxda ugu sareysa dalka Eriteriya oo uu ugu horeeyo madaxweyne Isaias Afwerki.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo booqday xarumo ay Dowladda Ereteriya ka fulineyso mashaariic horumarineed.+Sawirro

Next Post

War-murtiyeedka heshiiska Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya

Next Post

War-murtiyeedka heshiiska Dowladaha Ereteriya iyo Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden

May 21, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Xujeyda Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay heli doonaan Adeeg Caafimaad oo casri ah

Xujeyda Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay heli doonaan Adeeg Caafimaad oo casri ah

May 21, 2025
0

Sanadkan, Xujeyda Soomaaliyeed waxay heli doonaan adeeg caafimaad oo ka duwan kii hore. Dowladda Soomaaliya, iyada oo ka duuleysa daryeelka...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay Shirweynaha dhaqaale ee Dastuurka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay Shirweynaha dhaqaale ee Dastuurka

May 21, 2025
0

Shirweynaha lagu falanqeynayo saameynta dhaqaale ee qaab-dhismeedka Dastuurka ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare...

NISA oo howlgallo qorsheysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta 

NISA oo howlgallo qorsheysan ku dishay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta 

May 21, 2025
0

Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In