Thursday, August 11, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng.Axmed Macalin Fiqi oo isku sharaxay madaxweynaha maamulka gobollada dhexe”Daawo Sawirro”

December 21, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad balaaran oo lagu qabtay hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin katirsan qeybaha bulshada gaar ahaan odayaal,haween,dhalinyaro,aqoonyahan,mudanaayal baarlamaanka Soomaaliya katirsan iyo mas,uuliyiin xilal sare kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Xafladan oo aheyd mid si weyn loo abaabulay ayaa waxaa musharaxnimadiisa kusoo bandhigayay Eng.Axmed Macalin Fiqi oo horay usoo noqday taliyihii hay’adda nabadsugidda Soomaaliya iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sudan,isagoo muujinayay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada ee maamulka la doonayo in laga hirgeliyo gobollada Mudug iyo Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

August 11, 2022
Laftagareen oo Guddoomiyay Shirka gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed

Laftagareen oo Guddoomiyay Shirka gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed

August 11, 2022

Munaasabadan ayaa waxaa ugu horeyn ka ahdlay gudoomiyaha odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye nabadoon Maxamed Xassan Xaad oo sheeegay in Eng.Axmed Fiqi uu yahay mas’uul horay loo tijaabiyay taasoo cadeyneysa sida loogu kalsoonyahay inuu horumariyo gobolladaas hadii uu ku guuleysto.

Xildhibaan Maxamed Cabdulle Faarax Geesey oo ku hadlayay magaca xubnihii baarlamanka ee xafaladda ka qeybagalay ayaa ku amaanay Amb.Fiqi wadaniyadda uu muujiyay intii uu hayay xilka agaasimaha nabadsugidda Soomaaliya.

C/waaxid Cilmi Goonjeex oo horay usoo noqday ku/xigeenka ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa isaguna xusay in Eng.Amed Macalin Fiqi oo howlo badan usoo qabtay dadka Soomaaliyeed laga filan karo dar dar hor leh iyo qorshe cusub oo lagu samatabixiyo dadka ku nool Mudug,iyo Galguduud.

Ugu dambeyn munaasabdda ayaa waxaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa kusoo xiray Eng.Axmed Macalin Fiqi oo ah musharaxa xilka madaxweyne ee maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya isagoo sheegay in hadii la doorto uu ka hirgelin doono halkaasi maamul ay ku mideysanyihiin dhamaan dadka dega gobolladaasi kaasoo horsed u noqon doona in waqti dhow isbedel lagaa dareemo.

Musharaxa madaxweynaha Eng.Axmed Macalin Fiqi ayaa ballan qaaday hadii uu ku guuleysto xilkaasi in muddo ku sinan hal sano uu deked sare u qaada wax soosaarka maamulka ka hirgelin doono gobollada uu haatan u sharaxanyahay inuu madaxweyne ka noqdo.

Cadaalad ku baahsan dhamaan deeganaada,la dagaalanka Argagaxisada iyo xoreynta deegaanada weli gacanta ugu jira,ciribtirka burcad badeeda,dhiirigelinta  dadka naftooda u huray xoreynta deegaanka sida Ahlu suna waljameeca,u cadaalad falida dadka deegaanka iyo ka fogaanshaha.

6

 

 

1

 

sax

9

7

 

3

8

2

 

 

Previous Post

Real Madrid oo Ku Guuleysatay Koobka Naadiyada Aduunka ee Fifa Club World Cup “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay

August 11, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku joogay muddo afar cisho...

Laftagareen oo Guddoomiyay Shirka gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed

Laftagareen oo Guddoomiyay Shirka gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed

August 11, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir Guddoomiyey shirka Gollaha Wasiiradda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed...

RW Xamsa oo qaabbilay safiirka Soomaaliya u fadhiya Sweden “SAWIRRO”

RW Xamsa oo qaabbilay safiirka Soomaaliya u fadhiya Sweden “SAWIRRO”

August 11, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya...

Madaxweyne Qoor-qoor oo tababar u furay cutubyo ka mid noqonaya Boliiska Galmudug.

Madaxweyne Qoor-qoor oo tababar u furay cutubyo ka mid noqonaya Boliiska Galmudug.

August 11, 2022
0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, ayaa maanta xero ku taalla degmada Cadaado tababar uga furay dufcadii koowaad ee ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In