Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng. Yariisoow “Soomaaliya si fiican bey ugu diyaar-garowday Shirka London ee 11ka May”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Eng. Yariisoow “Soomaaliya si fiican bey ugu diyaar-garowday Shirka London ee 11ka May”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho 5 May 2017 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey diyaar garowga shirka London oo 11ka May ka dhacaya dalkaas UK, gaar ahaan Lancaster House ee caasimada London.

Wasiir Eng. Yarisow oo ka hadlaya diyaar garowga shirka ayaa yiri “Dowladda Federaalku si aad ah bey ugu diyaargarowday shirka London oo ay wada shir-guddoominayaan Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha UK iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayna ka soo qeybgalayaan beesha caalamka.”

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026

Dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Mudana Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka qeybgali doona. Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin amniga, siyaasada iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo gurmadka abaaraha dalka ka jira.

Wasiir Eng. Yarisow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dowladda Federaalka ayaa in muddo ah ka howlgaleysey sidii shirkan u noqon lahaa mid miro dhala, iyadoo guddi loo xilsaaray si joogta ah ula kulmayey saraakiisha dowladda UK iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo diblomasiyiinta saaxiibada la ah Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayaa diyaarisey qorsheyaasha amniga si ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed loo tayeeyo oo ay mustaqbalka dhow amniga dalka ugala wareegi lahaayeen ciidanka AMISOM.

“Sidoo kale Dowladdu waxey diyaarisay qorshihii maamulka iyo maareynta maaliyada oo beesha caalamka siin kara kalsooni buuxda iyo qorshihii u diyaar garowga nidaamka dimoqraadiyeynta dalka si 4 sano gudahood loo qabto doorasho hal cod iyo hal qof ah.”

Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan shirkan bacdamaa uu noqonayo shir ka duwan kuwii hore oo Dowlada Federaalka ay la tageyso qorsheyaasheeda, beesha caalamkana aya nagu taageeri doonto. Shirkan ayaa noqonaya mid ay Soomaali hoggaamineyso, qorsheyaasheedana ka codsaneyso in caalamku ku taageero.

DHAMAAD

Wasaarada Warfaafinta
[email protected] [email protected]

Previous Post

Shir looga hadlayay dhameystirka dhismaha cisbitalka degmada Warshiikh oo lagu qabtay dalka Sweden

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay xilka qaadistii Hanti Dhowrkii Qaranka

Next Post
Fowsiyo Axmed oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada oo bogaadisay Madaxweynaha cusub “Dhageyso”

Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay xilka qaadistii Hanti Dhowrkii Qaranka

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

Wasiirka Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo qaabishay Madaxa Xafiiska OHCHR ee Bariga Afrika

March 30, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Muqdisho ku qaabishay ku xigeenka xafiis...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Danjireyaasha iyo wakiillada hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala dalkeenna

March 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay danjireyaasha iyo wakiillada hay'adaha caalamiga...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Wasiir ku-xigeenno

March 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa soo saaray wareegto uu kumagaacabayo Wasiir Ku xigeenno cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In