Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng Yarisow “Waa inaan u midownaa horumarka Dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha horyaalla”+ Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Eng Yarisow “Waa inaan u midownaa horumarka Dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha horyaalla”+ Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka qeyb-galay munaasabad ay bulshada Gobolka Banaadir ku taageerayeen dadaallada Nabadoonnimo ee bariga Afrika ka sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), ayaa ku baaqay in meel looga soo wada-jeesto horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadaallada Madaxweynaha ee lagu adkeynayo nabadda iyo walaaltinimada bulshada ku wada nool bariga Afrika ay markhaati u tahay in Soomaaliya ay markale qaadatay doorkeedii dib-u-heshiisiineed, isla markaana ay tani marag u tahay fulinta balanqaadkii Dawladda.

“Waa inaan u midownaa Horumarka dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha nagu gudban, waxaan boggaadinaynaa dadaalka nabaddoonnimo ee Madaxweynaheennu ku bixiyey xalinta khilaafaadkii bulshada ku nool Geeska Afrika, taas oo muhiim u ahayd nabadda ummadda ku nool Qaaradda”

Mudane Yarisow ayaa tilmaamay iyadoo lag afaa’iideysanayo khaladaadkii hore u dhacay, dadka loo abuuro mustaqbal wanaagsan oo horumar iyo midnimo ku dhisan, gaar ahaan waqtigan oo ay Soomaaliya ka jirto rajo wanaagsan iyo isku duubni bulsho.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda hadallo ka jeediyey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo qaar kamid ah bulshada Caasimadda oo muujiyey taageerada iyo is-garab-taagga dadaalladii Madaxweynaha ee nabadda looga gaaray khilaafkii u dhexeeyey qaar kamid ah dalalka walaalaha ah ee Bariga Afrika.

Previous Post

Golaha Wasiirrada oo ka Dooday Siyaasadda Dawladda ee Hantida Qaranka iyo Saxiixyada Heshiisyada Caalamiga ah ”Sawirro”

Next Post

Duufaanta Florence oo ku dhufatay Maraykanka gobalada Bariga

Next Post
Duufaanta Florence oo ku dhufatay Maraykanka gobalada Bariga

Duufaanta Florence oo ku dhufatay Maraykanka gobalada Bariga

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka+Sawirro

March 27, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire...

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo galabta la ciyaari doona Mauritius+Sawirro

March 27, 2026
0

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ugu jira kulan muhiim ah oo ay galabta...

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

“Haa waan joojin karnaa” oo halkudhig looga dhigay xuska sanadkaan ee Maalinta Qaaxada Dunida

March 27, 2026
0

Mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada  XFS,Ururka Dhaqaatirta iyo marti sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu talagalay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

March 26, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay Horjoogihii isku xirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In