Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Duufaanta Florence oo ku dhufatay Maraykanka gobalada Bariga

admin by admin
8 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Duufaanta Florence oo ku dhufatay Maraykanka gobalada Bariga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duufaanta Florence ayaa saaka oo Jimce ah gaartay xeebaha gobalada North Carolina iyo South Carolina ee xeebaha bariga dalkaasi Maraykanka.

Dabeylaha iyo roobka ay duufaantan wadato ayaa durbaba fatahaad ka dhaliyey qeyb kamid ah labadaasi gobal ee saaran xeebta bada Atlantic-ga, waxaana la filayaa in duufaanta maanta gudaha usii gasho dhulkaasi walow ay hoos u dhaceen awooda dabeylaha duufaantan.

Related posts

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026

Dad ku dhaw 100 kun qof oo ku nool gobalka North Carolina ayaa la sheegay in guryahooda ay ka go’antahay korontada, xili weli duufaantan wada gaarin gobaladaasi.

 

Guddoomiyaha gobalka North Carolina oo ugu baaqay shacabka inay isaga qaxaan goobaha la filayo inay duufaantan ku dhufato ayaa sheegay in khatarta ugu weyn ay tahay fatahaada la filayo inay ka dhashaan biyaha duufaatan wadato.

Sida ay sheegeen khubarada Duufaantan iyo roobka ay wadato ayaa la filayaa inay muddo sadex maalmood ah keenaan biyo aad u badan oo u dhigma 8 bilood oo roob xariir ah socday, waa siday hadalka u dhigeenee.

Kumanaan kun oo shacab ah oo guryahooda ka qaxay ayaa gabaad ka dhigtay 126 goobood oo ay dowlada u diyaarisay.

Xarunta qaran ee duufaannada Maraykanka ayaa sheegtay in Duufaantan ay ku socoto xawaare aad u sarreeya oo aan kala go’ lahayn islamarkaasna ay halkii saacba ay jareyso dhul ballaaran oo dhan 165 kiloomitar

Waxayna intaasi ku dartay in ay filayso in isbedel yar uun ku yimaaddo inta aysan gaarin xeebaha.

In ka badan 1.7 milyan oo ruux ayaa la qorsheynayaa in laga daad gureeyo gobollada South iyo North Carolina, maryland iyo Virginia.

Mike Sprayberry oo ah madaxa ha’yadda North Carolina Emergency Management, oo dadka ka caawisa sida ay uga jawaabi lahayeen masiibooyinka inay khibrad ka heleen duufaantii dhacday sanadkii 2016-kii ayna yaqaanan sida loo daad gureeyo dad aad u tiro badan.

Madaxweyne Trump ayaa saxiixay amarro badan oo ku aaddan gurmadka degdega ah, wuxuuna sheegay inuu la hadlay dhammaan barasaabyada gobollada ay saameynta ku reebi karto duufaanta.

Ciidammada badda ee Mareykanka ayaa 30 markab u diraya badda si ay xaaladda ula socdaan islamarkaasna uga qayb qaataan dadaallada samata bixinta waa haddii duufaanta ay xeebaha dalkaasi ku dhufato.

Previous Post

Eng Yarisow “Waa inaan u midownaa horumarka Dalkeenna, si looga gudbo caqabadaha horyaalla”+ Sawirro

Next Post

Bankiga Adduunka oo sheegay inuu dhaqaalaha Soomaaliya korayo 3-4 Boqolkiiba

Next Post
Bankiga Adduunka oo sheegay inuu dhaqaalaha Soomaaliya korayo 3-4 Boqolkiiba

Bankiga Adduunka oo sheegay inuu dhaqaalaha Soomaaliya korayo 3-4 Boqolkiiba

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

September 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In