Friday, May 27, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Bankiga Adduunka oo sheegay inuu dhaqaalaha Soomaaliya korayo 3-4 Boqolkiiba

September 14, 2018
in Caalamka, Wararka
0
Bankiga Adduunka oo sheegay inuu dhaqaalaha Soomaaliya korayo 3-4 Boqolkiiba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa in uu kordho heerka Sanadlaha ah qiyaas u dhexeeysa 3 iyo 4 Boqolkiiba, Bangiga Adduunka ayaa sidaasi ku sheegay warbixin uu soo saaray Khamiistii Shalay ahayd.

Bankiga Aduunka ayaa sheegay in dhaqaalaha Waddanku uu kor u kacay 2.3% Sannadkii 2017, halka uu 4.4 Boqolkiiba ahaa 2016-kii, taas oo muujineysa saameynta khasaaraha weyn ee kasoo gaadhay dhaqaalaha waxyeelladii ka dhalatay abaaraha, iyadoo saamaysay Xoolaha iyo wax soosaarka Beeraha iyo dhoofinta dalagga.

Warbixinta ayaa sheegtay in xaddiga dhoofinta Xoolaha nool oo ay Soomaalidu ku tiirsan tahay 70 % uu hoos u dhacay 75 %, iyadoo Sanaddii 2015 la dhoofiyay 5.3 Milyan oo Neef halka Sanaddii 2017-kiina la dhoofiyay oo qura 1.3 Milyan oo Neef.

John Randa, oo ah dhaqaaleyahan sare oo ka tirsan Baanka Adduunka ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay sii waddo kobcinta dhaqaalaha maaliyadeed si ay u hesho maalgelin Dadweyne oo ku saabsan adeegyada aasaasiga ah.

“Si loo gaaro koboc sare oo xagga dhaqaalaha ah, Soomaaliya waxay u baahan tahay in la dedejiyo dib-u-habeynta qaab-dhismeedyada ilaha dhaqalaha iyo Canshuuraha iyo ” ayuu yiri Randa.

Warbixinta ayaa sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu si weyn u koray Sannadihii la soo dhaafay, isagoo weli u nugul dhibaatooyinka soo noqnoqda ee ka mid tahay Abaarta iyo musiibooyinka kale.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay war bixinta in Soomaaliya ay leedahay mid ka mid ah Suuqyada dhaqaale ee ugu badan adeegsiga Lacagaha lagu kala xawilo Mobile-ka marka la eego caalamka oo dhan , iyadoo uu xiriir fiican oo wax is weydaarsi ahna kala dhaxeeyo Waddamo badan oo Afrika ah.

Bankiga Aduunka ayaa sheegay in qiyaastii Bil walba laysugu gudbiyo Taleefannada Gacanta Lacag gaareysa 2.7 Bilyan oo Doollar-ka Maraykanka ah.

 

Isha/ Agencies

Previous Post

Duufaanta Florence oo ku dhufatay Maraykanka gobalada Bariga

Next Post

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan Al-Shabaab

Next Post
Horjooge ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidamada XDS

Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan Al-Shabaab

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo Duqa Magaalada Konya ee Dalka Turkiga...

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Deegaanka War-Ciise ee gobolka Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan kaasi oo ay ku baacsanayeen...

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

May 27, 2022
0

Shabakadda Warbaahinta Aljazeera ayaa qabanqaabisay koox dhanka sharciga ah,si ay dacwad ku saabsan dilka wariye Shireen Abu Akleh ugu gudbiyaan...

Madaxweye JFS oo qaabilay ergayga gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa

Madaxweynaha JFS oo u mahadceliyay guddiyadii doorashooyinka dalka

May 27, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In