Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng Yarisow “Wasaaradda Caafimaadka waxaan ka wada shaqeynaynaa sidii adeegyada Caafimaadka loo gaarsiin lahaa bulshada Gobolka Benaadir”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Eng Yarisow “Wasaaradda Caafimaadka waxaan ka wada shaqeynaynaa sidii adeegyada Caafimaadka loo gaarsiin lahaa bulshada Gobolka Benaadir”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 17 Maarso, 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, waxayna ka wada hadleen horumarinta adeegyada Caafimaadka ee Gobolka Benaadir.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka gobolka, maadaama xiligaan ay jiraan baahi xoogan oo dadweynuhu u qabaan adeeg caafimaad oo dhameystiran.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Waxaan ka wada shaqeynaynaa Wasaaradda Caafimaadka sidii adeegyada asaasiga ah, gaar ahaan caafimaadka loo gaarsiin lahaa bulshada ku nool caasimadda, wayna naga go’an tahay in bulshada benaadir helaan adeeg caafimaad oo hufan.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow oo uga mahadceliyey wada shaqeynta dhow Wasaaradda Caafimaadka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa tilmaamay in Wasaaradda Caafimaadka ay ka wada shaqeynayaan sidii adeegyada Caafimaadka loo gaarsiin lahaa bulshada Gobolka Benaadir, taas oo horseedeysa iskutashi caafimaad oo gobolku gaaro. Waxuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in laga wada shaqeeyo horumarka Caasimadda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xustay si loo gaaro caafimaad horumarsan in ay lagama maarmaan tahay dib u howlgelinta xarumihii caafimaadka ee heer gobolka, isla markaana ay wadajir uga shaqeynayaan sidii loo suuro-gelin lahaa saddexda Milyan ee ku nool Caasimaddu in ay helaan adeeg caafimaad oo ku filan.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale, ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Benaadir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

 –DHAMMAAD–

Previous Post

Kulan looga hadlayay biyo la’aanta oo lagu qabtay Baydhabo

Next Post

Wasiirka Kalluumaysiga oo Ankara kula kulmay Wasiirka dhaqaalaha ee Dalka Turkiga “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Kalluumaysiga oo Ankara kula kulmay Wasiirka dhaqaalaha ee Dalka Turkiga “SAWIRRO”

Wasiirka Kalluumaysiga oo Ankara kula kulmay Wasiirka dhaqaalaha ee Dalka Turkiga "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In