Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Eng Yarisow “Wasaaradda Caafimaadka waxaan ka wada shaqeynaynaa sidii adeegyada Caafimaadka loo gaarsiin lahaa bulshada Gobolka Benaadir”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 17, 2018
in Wararka
0
Eng Yarisow “Wasaaradda Caafimaadka waxaan ka wada shaqeynaynaa sidii adeegyada Caafimaadka loo gaarsiin lahaa bulshada Gobolka Benaadir”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 17 Maarso, 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la qaatay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, waxayna ka wada hadleen horumarinta adeegyada Caafimaadka ee Gobolka Benaadir.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada caafimaadka gobolka, maadaama xiligaan ay jiraan baahi xoogan oo dadweynuhu u qabaan adeeg caafimaad oo dhameystiran.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

“Waxaan ka wada shaqeynaynaa Wasaaradda Caafimaadka sidii adeegyada asaasiga ah, gaar ahaan caafimaadka loo gaarsiin lahaa bulshada ku nool caasimadda, wayna naga go’an tahay in bulshada benaadir helaan adeeg caafimaad oo hufan.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow oo uga mahadceliyey wada shaqeynta dhow Wasaaradda Caafimaadka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa tilmaamay in Wasaaradda Caafimaadka ay ka wada shaqeynayaan sidii adeegyada Caafimaadka loo gaarsiin lahaa bulshada Gobolka Benaadir, taas oo horseedeysa iskutashi caafimaad oo gobolku gaaro. Waxuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in laga wada shaqeeyo horumarka Caasimadda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa xustay si loo gaaro caafimaad horumarsan in ay lagama maarmaan tahay dib u howlgelinta xarumihii caafimaadka ee heer gobolka, isla markaana ay wadajir uga shaqeynayaan sidii loo suuro-gelin lahaa saddexda Milyan ee ku nool Caasimaddu in ay helaan adeeg caafimaad oo ku filan.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale, ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka gobolka Benaadir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

 –DHAMMAAD–

Previous Post

Kulan looga hadlayay biyo la’aanta oo lagu qabtay Baydhabo

Next Post

Wasiirka Kalluumaysiga oo Ankara kula kulmay Wasiirka dhaqaalaha ee Dalka Turkiga “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Kalluumaysiga oo Ankara kula kulmay Wasiirka dhaqaalaha ee Dalka Turkiga “SAWIRRO”

Wasiirka Kalluumaysiga oo Ankara kula kulmay Wasiirka dhaqaalaha ee Dalka Turkiga "SAWIRRO"

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In