Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta Qaramada Midoobay ee New York.
Danjiraha DFS u fadhiya QM Ambassador Abuukar Daahir Cusman (Baalle) oo erayo kooban ka jeediyey munaasabadda ayaa waxa uu tilmaamay sida ay sharaf ugu tahay Soomaaliya in ay mar kale hoggaamiso Golaha Amaanka 54 sano kadib, taas oo astaan u ah soo kabashada iyo horumarka ay ku tallaabsatay Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Amaanka ay saldhig u tahay xoojinta sarreynta Sharciga iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah xilli ay sii kordhayaan xasaradaha iyo xadgudubyada ka dhanka ah xeerarka caalamiga ah.
Danjire Abuukar Baalle waxa uu dhinaca kale tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ku suntan han sare, hal-abuur iyo howlkarnimo, iyaga oo xadgudubka iyo marin-habaabinta uga jawaaba midnimo, kalsooni iyo waxqabad dheeri ah.
Munaasibadda oo lagu soo xirayay mudaddii bisha ahayd ee Soomaaliya ay hoggaamineysey Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Hobalo Soomaaliyeed oo goobta ku soo bandhigay heeso iyo ciyaaro kala duwan oo ka tarjumaya hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaasi oo si aad ah u soo jiitay marti sharafkii ka soo qeyb galay munaasabadda.










