Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan horudhac u ah Qorshaha Talo Wagaada Madaxda iyo Bulshada Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS la qaatay Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaarie (Qoor-Qoor), kaas oo ay isla qaadaadhigeyn Socdaal uu dhawaan Ergayga ku tagi doono deegaanada DOWLADD GOBOLEEDKASI, si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo Aragtiyada Masuulliyiinta iyo Shacabka Maamulkaasi ay ka qabaan hanaanka loo wajahayo Wadahadallada DFS iyo Somaliland.
Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa soo dhaweeyay dedaalada Xafiiska Ergayga, waxaana uu u muujiyay garab istaag buuxa, Ergayga ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyay tallooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaada qorshahiisa.