Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Catriona Laing.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib u billaabidda Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidii guulo la taaban karo looga gaari lahaa.
Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa Catriona Laing ugu horeyn warbixin ka siiyay dedaalka Dowladda Soomaaliya ugu jirto suurtagallinta hannaan rasmi ah oo ay labada dhinac kuwa wada hadlaan, wuxuuna u caddeyay in Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay hirgelinta waxkasta oo muhiim u ah midnimada Umadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxa uu uga Mahadceliyay doorka Qaramada Midoobay ee taageerada Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa dhankeeda soo dhaweysay dedaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna muujisay garab istaag buuxa iyo in ay Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada ka gun-gaarista wada hadallada Dowladda iyo Somaliland.