Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland oo la kulmay wakiilka QM ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Somaliland oo la kulmay wakiilka QM ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Catriona Laing.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib u billaabidda Wadahadallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidii guulo la taaban karo looga gaari lahaa.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa Catriona Laing ugu horeyn warbixin ka siiyay dedaalka Dowladda Soomaaliya ugu jirto suurtagallinta hannaan rasmi ah oo ay labada dhinac kuwa wada hadlaan, wuxuuna u caddeyay in Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay hirgelinta waxkasta oo muhiim u ah midnimada Umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu uga Mahadceliyay doorka Qaramada Midoobay ee taageerada Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa dhankeeda soo dhaweysay dedaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna muujisay garab istaag buuxa iyo in ay Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada ka gun-gaarista wada hadallada Dowladda iyo Somaliland.

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

Next Post

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo kormeeray xarunta Agaasinka Waxbarashada

Next Post
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo kormeeray xarunta Agaasinka Waxbarashada

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo kormeeray xarunta Agaasinka Waxbarashada

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In