Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo Tagay Hargeysa.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo Tagay Hargeysa.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo ay tahay booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku tago Somaliland tan iyo markii uu la wareegay xilka xafiiska, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda uu leeyahay wada-hadal lagu xalliyo caqabadaha ka jira gobolka.

“Waxaan munaasabaddan uga faa’iidaysanayaa in aan carrabka ku adkeeyo muhiimadda ay leedahay dhismaha iyo joogtaynta hababka wada xiriirka ee lagu xallinayo kala duwanaanta si nabad iyo wax dhisid ku dheehantahay,” Ergeyga QM, James Swan, ayaa sidaas yiri.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026

Wuxuu sidoo kale ku booriyay madaxda siyaasadda ee Somaliland inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan sidii ay u qaban-qaabin lahaayeen doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa deegaanka.

Intii u ku guda jiray booqashadiisa labada maalmood ah ee uu ku tegay magaalada Hargeysa, ayaa madaxa QM wuxuu la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo xubno sare oo ka tirsan golihiisa wasiirada, wuxuu sidoo kale la kulmay madaxda Haweenka ah iyo dadka ka faa’iideysta barnaamijyada QM.

“Sababaha aan halkan u joogo waxaa kamid ah in aan gacan ka geysto xoojinta wada-shaqaynta ku aaddan hawlaha samafalka, horumarinta dhaqaalaha iyo tayo-dhisidda maamulka deegaanka iyo bixinta adeegyada,” Md. Swan ayaa sidaas yiri.

Md. Swan ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tegay Somaliland tan iyo markii uu la wareegay xilkiisa dabayaaqadii bishii Juun. Waxaa booqashada ku wehliyay madax sare oo ka kala socotay Xafiiska Ergeyga Sare ee QM u qaabilsan Arrimaha Qoxootiga (UNHCR), Hay’adda QM ee Cuntada iyo Beeraha (FAO) iyo UNDP –  oo kala ah Takeshi Moriyama, Serge Tissot iyo Jocelyn Mason

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhoweeyay Wakiilka cusub ee WFP u qaabilsan Soomaaliya.

Next Post

Guddiga arrimaha dibada ee Golaha shacabka oo la kulmay Wasiir Cawad

Next Post
Guddiga arrimaha dibada ee Golaha shacabka oo la kulmay Wasiir Cawad

Guddiga arrimaha dibada ee Golaha shacabka oo la kulmay Wasiir Cawad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In