Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo Tagay Hargeysa.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
July 28, 2019
in Wararka
0
Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo Tagay Hargeysa.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo ay tahay booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku tago Somaliland tan iyo markii uu la wareegay xilka xafiiska, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimadda uu leeyahay wada-hadal lagu xalliyo caqabadaha ka jira gobolka.

“Waxaan munaasabaddan uga faa’iidaysanayaa in aan carrabka ku adkeeyo muhiimadda ay leedahay dhismaha iyo joogtaynta hababka wada xiriirka ee lagu xallinayo kala duwanaanta si nabad iyo wax dhisid ku dheehantahay,” Ergeyga QM, James Swan, ayaa sidaas yiri.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Wuxuu sidoo kale ku booriyay madaxda siyaasadda ee Somaliland inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan sidii ay u qaban-qaabin lahaayeen doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa deegaanka.

Intii u ku guda jiray booqashadiisa labada maalmood ah ee uu ku tegay magaalada Hargeysa, ayaa madaxa QM wuxuu la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo xubno sare oo ka tirsan golihiisa wasiirada, wuxuu sidoo kale la kulmay madaxda Haweenka ah iyo dadka ka faa’iideysta barnaamijyada QM.

“Sababaha aan halkan u joogo waxaa kamid ah in aan gacan ka geysto xoojinta wada-shaqaynta ku aaddan hawlaha samafalka, horumarinta dhaqaalaha iyo tayo-dhisidda maamulka deegaanka iyo bixinta adeegyada,” Md. Swan ayaa sidaas yiri.

Md. Swan ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tegay Somaliland tan iyo markii uu la wareegay xilkiisa dabayaaqadii bishii Juun. Waxaa booqashada ku wehliyay madax sare oo ka kala socotay Xafiiska Ergeyga Sare ee QM u qaabilsan Arrimaha Qoxootiga (UNHCR), Hay’adda QM ee Cuntada iyo Beeraha (FAO) iyo UNDP –  oo kala ah Takeshi Moriyama, Serge Tissot iyo Jocelyn Mason

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo soo dhoweeyay Wakiilka cusub ee WFP u qaabilsan Soomaaliya.

Next Post

Guddiga arrimaha dibada ee Golaha shacabka oo la kulmay Wasiir Cawad

Next Post
Guddiga arrimaha dibada ee Golaha shacabka oo la kulmay Wasiir Cawad

Guddiga arrimaha dibada ee Golaha shacabka oo la kulmay Wasiir Cawad

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In