Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga QM ee Soomaaliya oo soo dhoweeyay caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka Galmudug

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Nicholas Kay oo soo dhoweeyay sii deynta badmaaxiin afduub loo haystay muddo 4 sano ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cadaado, 23 Luuliyo 2015 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka GalmudugMudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Isagoo ka hadlayay xaflad lagu qabtay magaalada Cadaado, Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu yiri: “Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Madaxweyne Ku-Xigeen Maxamed Xaashi Cabdi. Baarlamaanka Galmudug ayaa idiin doortay oo idiinku aaminay inaad qaadaan mas’uuliyad aad u weyn si aad u dhistaan maamulka gobolkan; inaad cadaalad ka xaqiijisaan adeegyada la bixiyo, iyo inaad dadka amniga u sugtaan.”

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay ayaa sidoo kale u hambalyeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Farsamada, wakiillada beelaha, iyo dhammaan dadka reer Galmudug ee suurtagal ka dhigay xafladdan maanta.

“Waxaan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ku dhiirigelinayaa inay ku dhaqaaqaan dib u heshiisiin iyo wadatashi, si dhab ahna ugu hawlgalaan xallinta wixii khilaafaad ah ama isafgaranwaa ah ee kala dhexeeya Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyagoo u maraya wadahadal iyo wadatashi si loo helo xal waara,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay. “Beesha caalamku waxay diyaar u tahay inay taageerto dadaallada dhexdhexaadinta.”

“Beesha caalamka waxaa ka go’an hirgelinta heshiiskii ay magaalada Garoowe ku kala saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland bishii Oktoobar 2014, oo beelaha ku kala nool Puntland iyo Maamulka Ku-Meelgaarka Galmudug u suurtagalinaya inay nabad ku wada noolaadaan.”

“Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay taageero bixiso maadaama aan horey u soconayno, oo idinkuna aad wajahaysaan caqabado cusub. Waddada idinka horeysa ma aha mid xaarxaaran oo wada siman ama mid fudud, laakiin waxaan ku kalsoonahay inaad guuleysan doontaan idinkoo leh adkeysi iyo go’aan adag.

DHAMMAAD

Previous Post

Golaha Wasiirada Oo Soo Dhaweeyay Guulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ay Soo Hooyeen

Next Post

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radio Muqdisho

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In