Monday, February 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ethiopia Oo Diyaaradaha Ka Mamnuucday Inay dul-maraan Biyo Xireenka Nile

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Ethiopia Oo Diyaaradaha Ka Mamnuucday Inay dul-maraan Biyo  Xireenka Nile
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ethiopia ayaa ka mamnuucday in diyaarado dul maraan biyo xireenka laga dhisay wabiga Nile arrimo amni darted, madaxda dulimaadka rayidka Ethiopia ayaa sheegay in madaxweynaha  uu sheegay in mashruuca uu bilaabayo soo saarista  tamarta muddo 12 bilood gudahood ah.

Suudaan, Ethiopia iyo Masar ayaa si weyn isugu khilaafsan dhismaha biyo xireenka, Ethiopia ayaa bishii Luulyo bilowday buuxinta biyo xireenka loo yaqaano Grand Ethiopian Renaissance Dam(GERD).

Related posts

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

February 9, 2026
Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

February 9, 2026

“Dhammaan duulimaadyada waxaa looga mamnuucsay  biyo xireenka sababo amni darteed,”sidaa waxaa sheegay agaasimaha guud ee hey’adda duulista rayidka Ethiopia Wesenyeleh Hunegnaw.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa soo warisay in agaasimaha uu ka gaabsaday sababta  rasmiga ah ee ka dambeysay joojinta diyaaradaha dul mari jirey biyo xireenka.

Isniintii madaxweynaha Ethiopia Sahle-Work Zewde oo baarlamaanka la hadlaysay ayaa waxay sheegtay in dhowaan la bilaabi doono soo saarist korontada.

Waxay intaas ku dartay in shaqada wali socoto isla markaana buuxinta wajiga labaad uu dhici doono 12 bilood ee soo socota.

Bishii Luulyo, Ethiopia waxay buuxisay qeybtii ugu horeysay ee biyo xireenka, waxayna ugu mahadinaysaa xilli roobaadkii la soo dhaafay.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed waxaa uu bishii hore QM u sheegay in dalkiisa uusan wax dan ah ka laheyn dhibaateynta dalalka Masar iyo Suudaan, maalmo ka dib madaxweynaha Masar waxaa uu ku celiyay walaaca uu ka qabo mashruuca Ethiopia.

Waxaa guuldareystay wada xaajoodyo u dhexeeyay sadexda dal ka dib markii Adis Ababa bilowday buuxinta DAM.

Biyo xireenkan waxaa uu Ethiopia ka dhigayaa in ay ugu noqto dalka ugu badan ee Tamar dhoofiya.

Qiyaastii 15km ayuu u jiraa xuduuda Ethiopia iyo Suudaan wabiga Blue Nile, kaas oo 100 milyan oo Masaarida ah ku dhowaad 90% ka helaan biyaha.

Bishii hore Mareykanka wuxuu Ethiopia ka joojiyay 100 milyan oo dollar ka dib markii Adis Ababa diiday qorshaha Washington ee ku aadan biyo xireenka.

Sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan waaxda arrimaha dibadda Mareykanka waxaa uu sheegay in tani daba socoto markii Ethiopia ay si iskeed ah u go’aansatay in ay buuxiso biyo xireen iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin.

Tags: Ethiopia Oo Diyaaradaha Ka mamnuucday Inay dul-maraan Biyo xireenka Nile
Previous Post

Golihii Wasiirada Ugu Horeeyay Mali Oo Lagu Dhawaaqay Ka Dib Afgembigii

Next Post

Wasiir Bayle Oo Guddoomiyay Shirka maaliyadda dowlad goboleedyada iyo Dowladda Dhexe+Sawirro

Next Post
Wasiir Bayle Oo Guddoomiyay Shirka maaliyadda dowlad goboleedyada iyo Dowladda Dhexe+Sawirro

Wasiir Bayle Oo Guddoomiyay Shirka maaliyadda dowlad goboleedyada iyo Dowladda Dhexe+Sawirro

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

February 9, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ee Gobolka Bakool, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

February 9, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa heshiis iskaashi ciidan la saxiixday dhiggiisa Boqortooyada Sucuudiga, Sumuwal Amiir...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘W𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: ‘W𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐜𝐥𝐢𝐢𝐧 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚 𝐚𝐪𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐟𝐮𝐫𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐨 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚”

February 8, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa daahfuray Shirweynaha 3aad ee Waxbarashada Qaranka, oo sannadkan...

Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

Wasiirro ka tirsan XFS oo Bandhigga Difaaca Adduunka kaga qeyb galay Riyaadh

February 8, 2026
0

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Riyaad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In