Wednesday, August 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ethiopia Oo Diyaaradaha Ka Mamnuucday Inay dul-maraan Biyo Xireenka Nile

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Ethiopia Oo Diyaaradaha Ka Mamnuucday Inay dul-maraan Biyo  Xireenka Nile
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ethiopia ayaa ka mamnuucday in diyaarado dul maraan biyo xireenka laga dhisay wabiga Nile arrimo amni darted, madaxda dulimaadka rayidka Ethiopia ayaa sheegay in madaxweynahaย  uu sheegay in mashruuca uu bilaabayo soo saaristaย  tamarta muddo 12 bilood gudahood ah.

Suudaan, Ethiopia iyo Masar ayaa si weyn isugu khilaafsan dhismaha biyo xireenka, Ethiopia ayaa bishii Luulyo bilowday buuxinta biyo xireenka loo yaqaano Grand Ethiopian Renaissance Dam(GERD).

Related posts

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

August 18, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026

โ€œDhammaan duulimaadyada waxaa looga mamnuucsayย  biyo xireenka sababo amni darteed,โ€sidaa waxaa sheegay agaasimaha guud ee heyโ€™adda duulista rayidka Ethiopia Wesenyeleh Hunegnaw.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa soo warisay in agaasimaha uu ka gaabsaday sababtaย  rasmiga ah ee ka dambeysay joojinta diyaaradaha dul mari jirey biyo xireenka.

Isniintii madaxweynaha Ethiopia Sahle-Work Zewde oo baarlamaanka la hadlaysay ayaa waxay sheegtay in dhowaan la bilaabi doono soo saarist korontada.

Waxay intaas ku dartay in shaqada wali socoto isla markaana buuxinta wajiga labaad uu dhici doono 12 bilood ee soo socota.

Bishii Luulyo, Ethiopia waxay buuxisay qeybtii ugu horeysay ee biyo xireenka, waxayna ugu mahadinaysaa xilli roobaadkii la soo dhaafay.

Raโ€™iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed waxaa uu bishii hore QM u sheegay in dalkiisa uusan wax dan ah ka laheyn dhibaateynta dalalka Masar iyo Suudaan, maalmo ka dib madaxweynaha Masar waxaa uu ku celiyay walaaca uu ka qabo mashruuca Ethiopia.

Waxaa guuldareystay wada xaajoodyo u dhexeeyay sadexda dal ka dib markii Adis Ababa bilowday buuxinta DAM.

Biyo xireenkan waxaa uu Ethiopia ka dhigayaa in ay ugu noqto dalka ugu badan ee Tamar dhoofiya.

Qiyaastii 15km ayuu u jiraa xuduuda Ethiopia iyo Suudaan wabiga Blue Nile, kaas oo 100 milyan oo Masaarida ah ku dhowaad 90% ka helaan biyaha.

Bishii hore Mareykanka wuxuu Ethiopia ka joojiyay 100 milyan oo dollar ka dib markii Adis Ababa diiday qorshaha Washington ee ku aadan biyo xireenka.

Sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan waaxda arrimaha dibadda Mareykanka waxaa uu sheegay in tani daba socoto markii Ethiopia ay si iskeed ah u goโ€™aansatay in ay buuxiso biyo xireen iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin.

Tags: Ethiopia Oo Diyaaradaha Ka mamnuucday Inay dul-maraan Biyo xireenka Nile
Previous Post

Golihii Wasiirada Ugu Horeeyay Mali Oo Lagu Dhawaaqay Ka Dib Afgembigii

Next Post

Wasiir Bayle Oo Guddoomiyay Shirka maaliyadda dowlad goboleedyada iyo Dowladda Dhexe+Sawirro

Next Post
Wasiir Bayle Oo Guddoomiyay Shirka maaliyadda dowlad goboleedyada iyo Dowladda Dhexe+Sawirro

Wasiir Bayle Oo Guddoomiyay Shirka maaliyadda dowlad goboleedyada iyo Dowladda Dhexe+Sawirro

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐—๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐—๐‰๐…๐’ ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ƒ๐š๐ง๐ฃ๐ข๐ซ๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐š๐ง ๐ž๐ž ๐‡๐ข๐ง๐๐ข๐ฒ๐š

August 18, 2026
0

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa qaabbilay Danjiraha cusub ee dalka Hindiya u soo magacowday...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed

August 18, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku daahfurtay Sharciga Cadaaladda Daโ€™yarta Soomaaliyeed, oo ah Sharci...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH โ€œFARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMOโ€

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH โ€œFARRIINTA SAFARKEYGU WAXA AY AHAYD NABAD IYO MIDNIMOโ€

August 18, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga...

Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay nuqullada waraaqaha aqoonsiga afar Safiir oo cusub

Somalia Receives Copies of Credentials from Four New Ambassadors

August 18, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Ali Abdi, received the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In