Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faah faahin ka soo baxaysa weerarkii Aw-dheegle

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Dagaal ay ka qeyb qaateen diyaarado oo ka dhacay duleedka Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiil Soomaali iyo Mareykanka ayaa xaqiijiyay in howlgalkii dhowaan lagu beegsaday maleeshiyaadka kooxda Alshabab ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka xooga dalka gaar ahaan kuwo Komandos ee Danab oo ay kaabayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helocpter-ka.

Howlgalkaasi oo xilli habeen ah dhacay ayaa sida la sheegay waxaa lagu diley horjoogiyaal ka tirsan Al-shabaab iyo maleeshiyaad kale.

Related posts

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya C/salaam Caato, oo la hadley telefishinka CNN ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi ay ka qeybg qaateen ciidanka Soomaaliya isla markaana sidii loogu talagalay u dhacay lagana gaaray hadafkii laga lahaa.

Sidoo kale nin u hadlay howlgalka dowladda Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa dhankiisa sheegay in diyaaradaha Emerikaanka ay qeyb ka qaateen howlgalkaasi isla markaana ay kaabayeen ciidanka Komandoska Soomaaliya.

Dhinaca kale xukuumadda Washington ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay weerarkii Sabtidii la soo dhaafay ay ka fulisay deegaanka Raaso ee gobolka Hiiraan.

Warka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in horjooge lagu magacaabo Yuusuf Cali Ugaas, oo kooxda Alshabab u qaabilsan tababarada maleeshiyaadka iyo barabugaandada lagu khaariyay weerarkaasi, iyadoo sidoo kale ragga howlgalkaasi lagu diley uu kamid ahaa horjooge kale oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Mire oo dhanka maaliyadda kooxda u qaabilsan.

Weerarkaasi ayaa lagu laayay horjoogiyaal sar sare iyo maleeshiyaad kale oo aad u badan kuwaas oo la sheegay in ay isku diyaarinayeen in ay weerar ku qaadaan fadhiisamada ciidanka midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Soomaaliya.

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Maleeshiyaad Al-shabaab ah oo lagu diley deegaanka Miir-Taqwo

Next Post
Maleeshiyaad Al-shabaab ah oo lagu diley deegaanka Miir-Taqwo

Maleeshiyaad Al-shabaab ah oo lagu diley deegaanka Miir-Taqwo

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

Wasiirka  Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta kulan xoojinta iskaashiga iyo...

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In