Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

faah faahin ku sabsan kulankii golaha shacaabka ee maanta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
faah faahin ku sabsan kulankii golaha shacaabka ee maanta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfadhiga Sedaxaad kulankiisa koowaad oo ku furmay 170-Mudane ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka shir gudoominayay wuxuu  mudanayaasha u sheegay in loo soo gudbiyay Mooshin ay ku saxiixanyihiin 11-Xildhibaan oo lagu dalbanayo in dib loo dhigo ka hadalka arinta Shirkada DP World ee heshiiska dekadda Barbara, oo ka mid ahaa Ajendayaasha maanta golaha ay ka hadlayeen, ka dibna cod ayaa la geliyay waxaana natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyahaya Golaha Shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Cawad ayaa kulanka ka akhriyay Xeerka Dhowrida Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliyeed, oo ah xeer uu guddooonka Golaha Shacabka curiyay, waxaana Xildhibaanada qaarkood oo hadlay ay soo dhoweeyeen xeerkan uu goluhu soo saaray.

Related posts

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in xeerkan uu yahay mid dhaxal u ah umada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in xeerkan uu horay isugu raacay guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Intaasi ka dib Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa cod ah in qaraarkan uu sidii loo soo jeediyay iyo wax ka bedel lagu sameeyo geliyay xeerkan Dhowrida Gobanimada iyo Midnimada Geyiga Soomaaliyeed, waxaana ogolaatay 168-mudane hal aya diiday midna waa uu ka aamusay sida uu natiijada codeynta ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Waxaa loo gudbay Ajendaha labaad oo ahaa qeybinta warbixinta wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka,sidoo kalana xildhibaanada waxaa loo qeybiyay miisaaniyada 2018 ee Golaha shacabku Ansixiyay,Waxaana Akhriyay Xildhibaan Maxamuud Macalin yaxye oo ah guddoomiyaha xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka. 

Akhriso  qoraalka 

Previous Post

Xarunta cusub ee Hay’adda Socdaalka ee Puntland oo dib loo furay

Next Post

Wasaaradda Waxbarashada oo qorsheyneyso dib u soo nooleynta xarumihii Waxbarashda ee dowladda

Next Post
Maalinta qorista iyo akhriska adduunka oo laga xusay Muqdisho

Wasaaradda Waxbarashada oo qorsheyneyso dib u soo nooleynta xarumihii Waxbarashda ee dowladda

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

Wasaaradda Batroolka XFS oo go’aanno ka soo saareysa cabashooyinka dadka ee ku aadan shidaalka

March 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka XFS, Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka warbixiyay sare u kaca...

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay

March 13, 2026
0

Mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay xaflad lagu maaamuusaayey maalinta caalamiga ah ee wacyigelinta cudurka biyaha indhaha...

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In