Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faahfaahin khasaaraha qaraxyadii Beledweyne + Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Faahfaahin khasaaraha qaraxyadii Beledweyne + Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaalada magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta deggen, waxaana socda howlgallo amniga lagu xaqiijinayo kadib qaraxyo is xig-xiga oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Baladweyne.

Ku simaha Taliyaha Booliska degmada Beledweyne, Bashiir Caddaani  ayaa sheegay in qaraxii hore uu fuliyay qof watay jaakad lagu xiray walxaha qarxa, halka kan kalena loo adeegsaday gaari Nooha ah.

Related posts

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026

Qaraxa koowaad oo ka dhacay xerada Lama-galaay ayaa waxaa ku geeriyooday Allaha u naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ka mid ahayd baarlamaankii 10-aad, xildhibaan hore, Cali Cabdi Dhuxul oo haatana ka mid ahaa musharaxiinta u tartamaya kursiga HOP#058 iyo siyaasiyiin kale.

Waxaana sidoo kale isla qaraxaas ku dhaawacmay wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Daahir Cismaan iyo Maxamed Cumar Xaashi Aaden oo isna ahaa murashax xildhibaan.

Qarax kale ee loo adeegsaday gaariga Noohada ah ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 20 qof oo u badan rayad, waxaa uu burbur xooggan soo gaaray Isbitaalka guud ee magaalada iyo goobo ganacsi.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Baladweyne ayaa loo qaaday Isbitaallada guud ee magaalada, halkaas oo lagula tacaalayo xaaladdoodda.

Taliye Bashiir Caddaani ayaa sheegay inay wadaan tira koobka dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarradaasi, wuxuuna intaa ku daray in ay wadaan baaritaanno iyo howlgallo ka dhan ah argagixisada.

Previous Post

Shirka wasiirrada arrimaha dibadda OIC oo lagu soo gebagebeeyey Islamabaad

Next Post

Salaad roobdoon ah oo magaalada Xuddur lagu tukaday

Next Post
Salaad roobdoon ah oo magaalada Xuddur lagu tukaday

Salaad roobdoon ah oo magaalada Xuddur lagu tukaday

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

Mareykanka iyo Israa’iil oo weeraro duqaymo ah ka gaystay Iiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Israa’iil ayaa sheegtay inay gantaal ku weerartay Iiraan, halka sarkaal Mareykan ah uu u sheegay Al Jazeera in Mareykanku...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal amni xaqiijin ah ka fuliyay qaybo kamid ah bariga Hiiraan

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay bariga gobolka Hiiraan, kaas oo qayb ka...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo kulan Afurin ah ku qabatay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NAIROBI):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Nairobi ayaa martigelisay  Cashadii Sannadlaha ahayd ee Afurka, taas oo xalay lagu qabtay Xarunta...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar, ayaa kulan la qaatay Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In