Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faahfaahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ka dhacay Kampala

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Faahfaahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ka dhacay Kampala
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Kambala ee caasimadda dalka Uganda, ilaa lix qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen, 33 kalena ay ku dhaawacmeen, ugu yaraan laba qarax oo 10:00 am barqanimo ee Talaadadii maanta ka dhacay Kampala.

Booliska ayaa qabtay shir jaraa’id oo faahfaahin kooban looga bixiyey khasaaraha iyo cida ka dambeysay weeraradaan, seddax kamid ah dadka ku dhintay qaraxyada waxay ahaayeen kooxihii qaraxa fuliyay, sida uu warbaahinta u sheegay Fred Enanga oo ah Afhayeenka u hadlay booliska Uganda.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Afhayeenku waxa uu sheegay in xogaha sirdoon ee la helay ay muujinayaan in qaraxa ay ka dambeeyeen maleeshiyaadka maxalliga ah oo lagu magacaabo ADF ee fadhigeedu yahay Jamhuuriyadda Dimoquraadiga ee Congo.

Waxaa la soo bandhigay muuqaallo ay duubeen kaamiradaha CCTV-ga oo muujinaya qaabka loo fuliyey mid ka mid ah qaraxyadaas.

Fred Enanga oo u hadlay booliska Uganda waxuu intaas ku sii daray in 33 qof ay ku dhaawacmeen weerarka, 5 kamid ah dadkaas ayaa la il daran dhawaacyadii ka soo gaaray qaraxyadaan oo ah kuwo culus.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in qof kale oo kamid ahaa kooxihii qaraxa ka dambeeyay ay qabteen laamaha ammaanka, isla markaana gurigiisa laga helay jakadaha qarxa.

Illa hadda kooxda ADF ma sheegan mas’uuliyadda weerarradaan, balse waxaa la xasuustaa inay dusha u riteen mas’uuliyadda qaraxyo sidaan oo kale bishii hore uga dhacay Kampala, kuwaas oo galaaftay nolosha ugu yaraan laba qof.

Previous Post

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo kormeeray dhismaha ku socda wadada xariirisa Muqdisho iyo Jowhar

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga doorashooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga doorashooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga doorashooyinka Galmudug "SAWIRRO"

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In