Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faahfaahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ka dhacay Kampala

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Faahfaahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ka dhacay Kampala
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Kambala ee caasimadda dalka Uganda, ilaa lix qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen, 33 kalena ay ku dhaawacmeen, ugu yaraan laba qarax oo 10:00 am barqanimo ee Talaadadii maanta ka dhacay Kampala.

Booliska ayaa qabtay shir jaraa’id oo faahfaahin kooban looga bixiyey khasaaraha iyo cida ka dambeysay weeraradaan, seddax kamid ah dadka ku dhintay qaraxyada waxay ahaayeen kooxihii qaraxa fuliyay, sida uu warbaahinta u sheegay Fred Enanga oo ah Afhayeenka u hadlay booliska Uganda.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Afhayeenku waxa uu sheegay in xogaha sirdoon ee la helay ay muujinayaan in qaraxa ay ka dambeeyeen maleeshiyaadka maxalliga ah oo lagu magacaabo ADF ee fadhigeedu yahay Jamhuuriyadda Dimoquraadiga ee Congo.

Waxaa la soo bandhigay muuqaallo ay duubeen kaamiradaha CCTV-ga oo muujinaya qaabka loo fuliyey mid ka mid ah qaraxyadaas.

Fred Enanga oo u hadlay booliska Uganda waxuu intaas ku sii daray in 33 qof ay ku dhaawacmeen weerarka, 5 kamid ah dadkaas ayaa la il daran dhawaacyadii ka soo gaaray qaraxyadaan oo ah kuwo culus.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in qof kale oo kamid ahaa kooxihii qaraxa ka dambeeyay ay qabteen laamaha ammaanka, isla markaana gurigiisa laga helay jakadaha qarxa.

Illa hadda kooxda ADF ma sheegan mas’uuliyadda weerarradaan, balse waxaa la xasuustaa inay dusha u riteen mas’uuliyadda qaraxyo sidaan oo kale bishii hore uga dhacay Kampala, kuwaas oo galaaftay nolosha ugu yaraan laba qof.

Previous Post

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo kormeeray dhismaha ku socda wadada xariirisa Muqdisho iyo Jowhar

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga doorashooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga doorashooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga doorashooyinka Galmudug "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In