Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo kormeeray dhismaha ku socda wadada xariirisa Muqdisho iyo Jowhar

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
November 16, 2021
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo kormeeray dhismaha ku socda wadada xariirisa Muqdisho iyo Jowhar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) oo uu wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Maxamed Nuur, Mas’uuliyiinta Shirkadda dhisaysa Wadada Muqdisho iyo Jawhar, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Injineero kasocday Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa manta kormeer ku tagay dhismaha Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo meel fiican maraysa.

Ugu horayntii mas’uuliyiinta ayaa kormeer kooda ka bilaabay halka uu yaalo qalabka dhismaha ee wadada lagu dhisayo iyagoona mid mid u kor istaagay waxaana faahfaahin kasiiyey mas’uuliyiinta gacanta ku haysa dhismaha.

Related posts

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025

Intaa kadibna iyaga oo kormeer kooda siiwata mas’uuliyiintu waxa ay tageen halka laga qodo kaawada lagu dhisayo wadada, dadka deegaanka ayey uga mahadceliyeen sida ay u garab taaganyihiin dhismaha Wadada.

Ugu horayntii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Xil. Maxamed Aadan Macalin Soomaali ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyey intii badnayd dhismaha waxa uuna u mahadceliyey ciidanka sugaya ammaanka Wadada iyo Dadka deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa fariin u diray shaqsiyaad uu sheegay inay caqab ku yihiin dhismaha Wadada, islamarkaana aan Wadad marna loojoojin doonin.

Previous Post

Baarlamaanka Galmudug oo maanta ansixiyey degmonimada Guriceel

Next Post

Faahfaahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ka dhacay Kampala

Next Post
Faahfaahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ka dhacay Kampala

Faahfaahino ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii ka dhacay Kampala

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka oo ka warbixiyay diyaarad kusoo dhacday Garoonka Aadan Cadde

July 2, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in diyaarad nooca Helicopter...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In