Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faarax Qare oo sheegay in ay yar yihiin dadka Soomaaliyeed ee aqoonta u leh cilmiga badda

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Admiral Faarax Qare oo  ka hadlay biyaha ay Kenya dooneyso inay sharci darro ku qaadato “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Akadeemiyadda Culuumta baddda iyo qawaaniinta caalamiga ah ee Khaliif Macow Xasan ayaa hoos timaada hey’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed, waxaa dhigta arday boqol ku dhow oo barta cilmiga badda iyo shuruucda caalamka ee badaha ku saabsan.

Ardayda Akadeemiyadda, Khaliif Macow Xasan, ayaa maanta u fadhiistay imtixaanka Semister-ka 3 aad, sida uu warbaahinta u sheegay madaxa Akadeemiyadda C/nuur C/qaadir.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

“Akadeemiyadda waxaa ay ka kooban tahay labo kuliyadood oo kala ah; kuliyadda culuumta badda iyo kuliyadda Qawaaniinta badda, waxayna maanta ardayda u fadhiyaan semisterkii sadaxaad,” ayuu yiri madaxa Akadeemiyadda.

Guddoomiyaha hey’adda cilmi baarista badaha Soomaaliyeed Admiral Gaas Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) ayaa ka hadlay ahmiyadda loo aas aasay Akadeemiyadda.

“Baahida loo qabo aqoonta badaha aad iyo aad u weyn tahay  aqoonta dalka badda uu u leeyahayna waa ay kooban tahay, sidaa awgeed shaqo kale ayaa nagu soo baxday oo ah cilmi baaristii aad wadnay waxaa ku darnay cilmi faafin,” ayuu yiri Faarax Qare.

Admiral Gaas Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) Guddoomiyaha hey’adda cilmi baarista badda, ayaa sidoo kale sheegay in ay qorsheynayaan in ay kuliyado kale ku soo kordhin doonaan sanadka soo socoda.

“Waxaa noo dhiman oo muhiim ah oo sanadkan furi rabnaa, sida uu Ractor-ka tilmaamay kuliyadii badda maridda (Navigation) maraakiibta sida loo wado iyo Injineeriyadda sida loo farsameeyo matoorada maraakiibta,” ayuu mar kale sheegay Faarax Qare.

Soomaaliya ayaa ah dalka ugu xeebta dheer qaaradda Afrika, hase ahaatee Xeer dheeriyaasha ayaa sheegaya in tirada dadka Soomaaliyeed ee yaqaano cilmiga badaha iyo Qawaaniinteed ay aad u yar yihiin.

 

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeele ayaa maamul cusub u magacaabay gobolka Hiiraan

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo soo bandhigtay waxqabadkeedii ee labadii bil ee la soo dhaafay.

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo soo bandhigtay waxqabadkeedii ee labadii bil ee la soo dhaafay.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo soo bandhigtay waxqabadkeedii ee labadii bil ee la soo dhaafay.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In