Dhallinyaradu waa marxaladda ugu muhiimsan nolosha qofkasta oo aadana ah, Dhallinyaradda waa horumarka ummada dhinac waliba, waa kuwa abuuri karo isbeddel nolaleed oo sax ah, taasi oo faa,ido u ah bulshada ku hareeraysan oo ay ugu horeyaan ehelka iyo asxaabta yahiin, marka aad dhalinyartahay waa marka kaliya ee aad saameeyn weeyn ku yeelankarto bulshada kugu hareereysan wanaag, hormarin iyo xumaan intaba.
Sanad waliba 12ka Agoosto, adduunka ayaa u dabaal-daga Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinta dunida, taas oo muujinaysa qiimaha da’adani ay Aduunka ku leedahay taas oo caddeeyn u ah sida dhallinyarada ay Dunida ugu yahiin muhiimada kowaad.
Taasi waxaan kaga goleeyahay dhallinyarada waxay hormuud u tahay horumarinta noolosha wadamadooda iyaga oo sameeyntooda ay ka muuqato dhinacwaliba oo quseeya noolasha Aadanaha, hadaay tahay Nabadda, waxsoo saarka, sare uqaadida waxbarashada iyo guud ahaanba fududeeynta taabashada Bulshada iyaga oo sameynaya hal abuur waxtar leh.
Inta aan soo xusnay iyo inkabadan oo waxtar wanaagsan ah ayaay dhallinyarada ka xaqiijiyaan wadamadooda, sidokale awoodda firfircoon ee da,yarta Dunida waxay kaalin muuqato ka qataan dhammaan howlaha gurmadka iyo samafalka gudaha iyo dibadaba.
Waxaa leysku raacsanyahay in dhalinyaradu ay yahiin kuwa ugu muhiimsan ee hirgaliya wadajirka bulshooyinka, waana kuwa kaliya ee horumarinkara hamiga ummada ay u yahiin muraayadda horumarinta iyo guusha ay ka muuqato.
Qof kasta oo dhalinyar ah ayaa leh awoodd ku filan oo uu ku hogaaminkaro Bulshadiisa, marka qofka dhallinyarada ah uu ku guleeysta hadafkiisa hogaamineed ee bulshad uu ku dhexjira, islamarkaana la goosta mirihii uu beeray waxuu dareemaa in uu guul gaaray, waxuu tusaale u noqdaa Bulshada, inteeda kale ee ku nool waddankiisa hooyo.
Marka aan u nimaano Dhallinyaradeena soomaaliyeed, waa kuwa markasta door muuqda ka cayaara isbedelka Bulshada, dhamaanba dhinacyada horumarka, hadaay tahay dhinaca aqoonta, hal abuurka, shaqada iyo hogaaminta Bulshada.
Sanadkasta 15ka bisha May waxaa munaasabado lagu xusaa maalinta dhalinyarada soomaaliyeed, taasi oo muhiimad gaar ah u leh dadka soomaaliyeed.
Sanadkii 1943 ayeey aheyd markii dhalinyaro Soomaaliyeed ay dareemeen dhibaatooyinka gumeysigi dalka haystay kadibna waxay si geesinimo leh ugu dhawaaqeen dhisida ururkii SYL, iyagoo adeegsanayay tab iyo xeelad kasta oo la isaga dulqaadayay heeryada gumeysigii reer Yururb.
SYL waa xarfo la soo gaabiyay oo u taagan erayo af Ingiriiska ah oo ah “Somali Youth League”erayga Leegana waa af Talyaani
Fikradda lagu as’aasay Urarkii dhallinyarda SYL waxaa hormuud iyo hawlwadeenba ka ahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo mudan in si gaar ah loo xuso, kuwaas oo aad u fiira dheeraa islamarkaana lahaa dareen wadiniyadeed oo ku qutoma Soomaalinimo.
Waxii ka danbeeyay burburkii dalka soomay dhalinyarada Soomaaliyeed waxay door muuqda ku lahayeen u gurmadka bulshada, nabadeeynta, sare uqaadida aqoonta da,yarta Soomaaliyeed iyo wacyigalinta bulshada.
Bulshada intooda badan waxay garansanyahiin in dhalinyarada Soomaaliyeed ay markasta garab iyo gargaarba u ahyeen guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Gunaanadkii, waxaa ila haboon Iyada oo laga qiyaas qaadana dhalintii dhaliasay Gobanimadan aan maanta ku naloneeyna, in dhalinta Soomaaliyeed ee maanta joogta aay halbeeg ka dhigtaan, oo ay ukacaan horumarka Dalka, si beri aay u noqdaan kuwa looga tusaale qaato wanagii aay dalka ku soo kordhiyeen.
W/Q Cismaan Maxamuud Faarax (Caqiil)