Tuesday, May 24, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xasilinta oo ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan hub sharci daro ah iyo dadkii watay

May 26, 2018
in Wararka
0
Ciidamada Xasilinta oo ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan hub sharci daro ah iyo dadkii watay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo ay sii kordhayaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda ayaa Howlgal ballaaran oo ay Ciidamada Ammaanka ka sameeyeen xaafadda Xamar Bile ee degmaad Warta Nabadda ku soo qabtay hub sharci daro ah iyo ragii watay.

Hubkaasi iyo dadkii watay Waxaa lagu soo bandhigay Saldhigga Degamda Wartanabadda iyadoo uu halkaasi ku sugnaa  Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax iyo guddoomiyaha Degmada Wartanabadda iyo saraakiil ciidan.

Related posts

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

May 23, 2022
Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022

Seynab Xaabseey Guddoomiyaha degmada Wartanabadda ayaa faah faahin k abixisay qaabka howlgalkaasi u uuga dhacay degmadeeda.

“Halkan waa degmada Warta nabadda,howlgal ay ka sameeyeen halkani ciidamada Xasilinta waxaa ay ku soo qabteen abaaro maqribkii labo nin oo hubaysanaa,xaafadda Xamar Bile,mid hubkiisa ayuu tuuray wuuna cararaya ciidanka ayaa ku daba jooga,midka kalena waa la qabtay iyo hubkii,waxaan u mahadcelinayaa ciidamada howlgalka fulinaya”. Ayaay tiri guddoomiye Seynab.

Sidoo kale Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa ammaanay wadashaqeynta shacabka,maamulka iyo laamaha ammaanka.

“Runtiina amniga wuxuu kujira wada shaqeyn haddii aan lala shaqeynin ciidamada keligooda waxba maqaban karaan,marka waan ku ammaanayaa guddoomiyaha degmada taliyaha iyo ciidamada wadashqeyntooda,iyo sidoo kale shacabka degmada degan,intaasi kadib waxaa guud ahaan degmooyinka Muqdisho ka socda howlgalo wax looga qabanayo dadka dhibaatooyinka amni darada ah geysanaya”. Ayuu yiri Tuulax.

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya howlgalo ballaaran oo ay wadaan ciidanka Xasilinta,si looga hortago falalka amni dari oo lagu dhibaateynayo bulshada.

Previous Post

“FAALLO” Dhallinyarada waa awooda Dalka hooyo.

Next Post

Wasiirrdaii dhawaan la Magacaabay oo Maanta la dhaariyay + Sawirro

Next Post
Wasiirrdaii dhawaan la Magacaabay oo Maanta la dhaariyay + Sawirro

Wasiirrdaii dhawaan la Magacaabay oo Maanta la dhaariyay + Sawirro

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Xasan oo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digreeto uu soo saaray waxaa uu Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan...

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka ee Soomaaliya

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa caawa Xarunta KMG ah maamulkaas ee Kismaayo ku qaabilay madaxa Hay’ada...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan “SAWIRRO”

May 23, 2022
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa...

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  ugu Warbixiyay safarkiisi Madaxweynaha

May 23, 2022
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In