Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirrdaii dhawaan la Magacaabay oo Maanta la dhaariyay + Sawirro

admin by admin
May 26, 2018
in Wararka
0
Wasiirrdaii dhawaan la Magacaabay oo Maanta la dhaariyay + Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Jigjiga

Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Jigjiga

July 13, 2025
Shirweynaha dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo oo goordhow si rasmi ah uga furmaya Laascaanood

Shirweynaha dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo oo goordhow si rasmi ah uga furmaya Laascaanood

July 13, 2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane; Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shir guddoomiyay kulan lagu dhaarinayay Wasiirradii iyo Wasiir kuxigeenadii uu dhawaan Magacabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Munaasabaddan ayaa Maanta ka dhacday Xarunta Villa Hargeysa, waxaana goobjoog ka ahaa gudoomiyaha ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muuddeey, Guddoomiye ku xigeenka Labaad Mahad Cabdalla Cawed iyo kusimaha Ra’iisul wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guueed Khadar.

Xubnaha Maanta la dhaariyay oo isugu jira Wasiirro, wasiir ku xigeenno iyo Wasiiru Dowlayaal ayaa masuuliyiinta hortooda lagu dhaariyay, marka laga reebo Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daahir Maxamuud Geelle oo safar dibedda ugu maqan.

Dhaarinta kadib ayuu Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman kula dardaarmay Wasiirada in ay u dhega nuglaadaan la xisaabtanka guddiyadda Baarlamanka ay ku sameynayaan xubnaha golaha Wasiirrada.

24-kii Bishan ayay ahayd markii uu Ra’iisul wasaaraha Dalka Mudane; Xasan Cali Kheyre soo Magacaabay 13 xubnood oo isugu jira Wasiirro, Wasiir ku xigeenno iyo Wasiiru Dowlayaal, kuwaas oo buuxiyay boosas u bannaanaaday siyaaso kala duwan.

Previous Post

Ciidamada Xasilinta oo ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan hub sharci daro ah iyo dadkii watay

Next Post

Ciidamada ammaanka ee degmada Boondheere oo gacanta ku dhigay labo nin oo dhac u gaysanayay Shacabka “SAWIRRO”

Next Post
Ciidamada ammaanka ee degmada Boondheere oo gacanta ku dhigay labo nin oo dhac u gaysanayay Shacabka “SAWIRRO”

Ciidamada ammaanka ee degmada Boondheere oo gacanta ku dhigay labo nin oo dhac u gaysanayay Shacabka "SAWIRRO"

Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Jigjiga

Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Jigjiga

July 13, 2025
0

Ku simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Farxaan Xuseen Maxamed, ayaa ku soo dhaweeyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka...

Shirweynaha dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo oo goordhow si rasmi ah uga furmaya Laascaanood

Shirweynaha dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo oo goordhow si rasmi ah uga furmaya Laascaanood

July 13, 2025
0

Waxaa maanta lagu wadaa in si rasmi ah uu uga furmo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, shirweynaha dhammeystirka maamulka...

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Hay’adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

July 13, 2025
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen tuulada Buulo-xoog oo hoostagta deegaanka...

Maamulka Hirshabeelle oo kaalmo lacag ah gaarsiiyay ciidanka ku jira Isbitaalka Martiini

Maamulka Hirshabeelle oo kaalmo lacag ah gaarsiiyay ciidanka ku jira Isbitaalka Martiini

July 13, 2025
0

Guddiga Taakuleynta Ciidamada ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa deeq lacag ah gaarsiiyay bukaanada ciidanka ee ku jira cisbitaalka Martiini ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In