
Allaha u naxariisto Fanaanadย Qaran Xareedo Ismaaciil Cabdi (Duniyo) ayaa dalka UK ku geeriyootay,.
Xareedo waxay ka mid ahayd fannaaniintii hore dalka ee Hobollada Qaranka Waaberi .
Heesaha ay ku caan baxday waxa ka mid ahayd heestii โNin xilqaaday eed qaadโ ee ay wadaqaadeen Cabdi Cali Bacalwaan.
Riwaayado ay ka mid ahayd โXuudbaa liqay Jaceylkiiโ 1974 ayey ka qayb qaadatay waxaana ku jirtay heestii Sheekhaagu waa Kuma? ee ay Cumar Xasan Rooraaye wadaqaadeen. Heesta Keenee Gardarran oo ay la qaaday Cabdiqaadir Xasan Nageeye iyo kuwa kale.
.












