Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Fanaaniin deeq lacageed gaarsiiyay Fanaan Cabdi Tahliil warsame oo Muqdisho ku Xanuun sanaya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Fanaaniin deeq lacageed gaarsiiyay Fanaan  Cabdi Tahliil warsame oo Muqdisho ku Xanuun sanaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan fanaaniinta Hobollada Qaranka Waabari, Mas’uuliyiinta Golaha Murtida, Madadaallada Qaranka ee National Theatre iyo Hay’adda wacyi gelinta Bulshada ee CCA ayaa maanta deeq lacag ah gaarsiiyay qaar ka mid ah fanaaniinta Hobollada Qaranka Waabari oo dalka ku xanuunsanaya iyo sidoo kale Carruurtii ay ka tageen qaar ka mid ah fanaaniintii Soomaaliyeed ee geeriyootay.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta oo ay wehliyaan fanaaniintan ayaa gurigiisa ku booqday Fanaanka Cabdi tahliil warsame oo ku Xanuunsanaya Magaaladda Muqdisho.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Agaasimaha Hobollada Qaranka Waabari Maxamed Xasan Barrow ayaa faah faahiyay fanaaniinta maanta deeqdan soo gaarsiiyay.

“Fanaaniinta Hodan Cabdiraxman Dheere, Axmed Rasta Idil Caddow Iidle Yare Xasan Cujeeri oo dibadda nooga yimid  ayaa deeqdaan soo gaarsiiyay” Ayuu yiri Barrow.

Guddoomiyaha Hay’adda Wacyi gelinta Bulshada ee CCA Maxamed Cajiib Ibraahim Cali ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay caawiyaan fanaaniinta Soomaaliyeed ee xanuunsan.

Hodan C/raxmaan Dheere oo ka mid ah Fanaaniinta Soomaaliyeed ee maanta fanaaniintan deeqda gaarsiiyay ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in ay maanta la kulanto fanaaniin Soomaaliyeed oo wacyi Gelinta buslshada kaalin weyn kasoo qaatay.

Xamdi Cabdi tahliil oo ah gabar uu dhalay fanaanka cabdi tahliil warsame oo ka mid ah fanaaniinta maanta deeqda la gaarsiiyay ayaa u mahad celisay fanaaniintan maanta deeqda soo gaarsiiyay.

Wasiirka Waraafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdi Xayir Maareeye ayaa uga mahad naqay fanaaniintan sida ay usoo xasuusteen fanaaniinta dalka ku xanuunsanaya.

Wasiir Maareeye ayaa Dhinaca kale ugu baaqay madaxda sare ee Dalka in ay ka qeyb qaataan caawinta fanaaniinta Soomaaliyeed ee Dhibaateysan.

 

 

Previous Post

Radio Muqdisho oo Wareysatay Shaqsigii ugu horreeyay ee lagu cassuumay Khudbaddii Ugu Dambeysay ee Obama

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In