Mashruuca danguud ee gobolka banaadir ayaa qalab music ku wareejiyay fanaaniinta degmada Waaberi, ayadoo dhinaca kale mashruuca Danguud uu deeg gargaar ah gaarsiiyay xarunta Indhoolayaasha Al-Basiir.
Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta degmada Waaberi ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye key-xigeenka arrimaha bulshada mamulka gobolka banaadir Imaan Nuur Iikar, Agaasimaha xariirka degmooyinka Muqtar “Dhagacade” Guddoomiyaha Waaberi Xaawo-Kiin Maxamuud Cali iyo bulsho u badneyd haweyn xernaa dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed
Qalabka fanaaniinta iyo deeqda loogu talagalay ardayda Indhoolayaasha ayaa waxa bixiyey mashruuca Danguud ee mamulka gobolka banaadir, fanaaniinta ayaa heesaha u adeegsanayey qalabka la siiyey oo uu u guddoomay fanaanka Sidii Cali Wimkeey.
Munaasabada ayaa sido kale waxa lagu soo dhaweynayey fanaaniin ka timid dalka dibadiisa oo mudooyinkii dembe ku sugnaa magalada Muqdisho, waxana kamid ahaa Cabdiraxmaan Gaas, Hodan Afrika iyo musikiiste Maxamed Karaama, iyagoo soo bandhigay suugaan ugu talagaleen Muqdisho iyo Maamulka Gobolka banaadir.
Gabagadii munasaabada ayaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Mamulka Gobolka Iimaan Nuur Iikar ayaa sheegay in qalabka muusikada ah ee lagu wareejiyay fanaaniinta uu yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhanka wacyigelinta bulshada, isagoo xusay in iskuulka Indhoolayaasha ee Al-Basiir gaarsiiyeen sariiro iyo jooradiyaal loogu talagalay in carruurtu ay ku seexdaan.