Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Fanaaniinta degmada Waaberi oo qalab muusik lagu wareejiyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dhoolatus ay sameynayaan ciidanka booliska oo Muqdisho ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mashruuca danguud ee gobolka banaadir ayaa qalab music ku wareejiyay  fanaaniinta  degmada  Waaberi,  ayadoo  dhinaca kale  mashruuca  Danguud  uu deeg gargaar ah  gaarsiiyay  xarunta  Indhoolayaasha  Al-Basiir.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta degmada Waaberi ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye key-xigeenka arrimaha bulshada mamulka gobolka banaadir Imaan Nuur Iikar, Agaasimaha xariirka degmooyinka Muqtar  “Dhagacade”  Guddoomiyaha Waaberi Xaawo-Kiin Maxamuud Cali iyo bulsho u badneyd haweyn xernaa dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Qalabka fanaaniinta iyo deeqda loogu talagalay ardayda Indhoolayaasha ayaa waxa bixiyey mashruuca Danguud ee mamulka gobolka banaadir, fanaaniinta ayaa heesaha u adeegsanayey qalabka la siiyey oo uu u guddoomay fanaanka Sidii Cali Wimkeey.

Munaasabada ayaa sido kale waxa lagu soo dhaweynayey fanaaniin ka timid dalka dibadiisa oo mudooyinkii dembe ku sugnaa magalada Muqdisho, waxana kamid ahaa Cabdiraxmaan Gaas, Hodan Afrika iyo musikiiste Maxamed Karaama, iyagoo soo bandhigay suugaan ugu talagaleen Muqdisho iyo Maamulka Gobolka banaadir.

Gabagadii munasaabada ayaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Mamulka Gobolka Iimaan Nuur Iikar ayaa sheegay in qalabka muusikada ah ee lagu wareejiyay fanaaniinta uu yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dhanka wacyigelinta bulshada, isagoo xusay in iskuulka Indhoolayaasha ee Al-Basiir gaarsiiyeen sariiro iyo jooradiyaal loogu talagalay in carruurtu ay ku seexdaan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay qorshe howleedka Baarlamaanka horyaalla

Next Post

Qaban qaabada xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug oo ka socoto Cadaado

Next Post
Musharaxiinta u taagan madaxweynaha Galmudug oo maanta Baarlamanaka ka hor hadlay

Qaban qaabada xafladda caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug oo ka socoto Cadaado

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In